Wasiiru Dowlaha Maamulka Puntland oo u dhintay COVID-19

Wasiiru Dowlaha Maamulka Puntland ayaa muddo saddex maalin ah la xanuunsanaa qandho daran oo soo wajahday, isagoona saaka geeriyooday. 

Warar Keydmedia Online
Wasiiru Dowlaha Maamulka Puntland oo u dhintay COVID-19

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiiru Dowlaha madaxtooyada Maamulka Puntland, Maxamed Xasan Ciise ayaa Saakay ku geeriyooday Isbitaalka Qaran ee Magaalada Garoowe,

Marxuumka ayaa muddo saddex maalin ah la xanuunsanaa qandho madax xanuun, naqaska oo ku dhigaya, iyo qandho daran oo soo wajahday, walow markii dambe uu u geeriyooday.

Saraakiil ka tirsan bahda caafimaadka ayaa sheegay in wasiiru dowlaha saaka la qorsheynayay in loo soo qaado Muqdisho, haseyeeshee uu saaka geeriyooday.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.