“Masuuliyadda wiilasha maqan waxey ku dhaceysaa Madaxweynaha”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa yiri sidan "Masuuliyadda wiilasha maqan waxey marka koowaad ku dhaceysaa Madaxweynaha"

Warar Keydmedia Online
“Masuuliyadda wiilasha maqan waxey ku dhaceysaa Madaxweynaha”

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa isasoo taraya qeyla-dhaanta iyo walwalka laga muujinayo Dhallinyaro Soomaaliyeed oo Askarnimo loo soo tababarayay kuwaasoo si xatooyo ah looga waday ehelkooda, islamarkaana si qarsoodi ah loogu qaaday dalka uu hoggaamiyo Keligii taliyaha xoogga ku qabsaday Eratariya May 1993 -kii. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidankaasi loo qaaday waddanka Itoobiya si ay qeyb uga noqdaan dagaalka lagu qaaday Tigreega.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir CC Warsame ayaa isna aragtidiisa uga hadlay mas'uulyad darrida ka dhalan karta arrintaas iyo cidda xambaaraneysa wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha arrintaas iyada ah, hoggaamiyaha ayaa bartiisa Facebook uga hadlay arrintan oo is qabsatay 24 kii saac ee u dambeeyay baraha ay bulshadu ku xiriirto, iyadoo ugu dambeyntiina DF ay ka hadashay, isla markaana beenisay in ay jiraan askar Soomaaliyeed oo ka qeyb qaatay dagaalkii TPLF -ta lagu qaaday.

Hoggaamiyaha ayaa sidan yiri "Masuuliyadda wiilasha maqan waxey marka koowaad ku dhaceysaa Madaxweynaha oo ah taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida. Marka xigana taliyaha hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka NISA oo isagu qoray dhallinyarada una diray dalka Eritrea. Labadooda ayaa laga rabaa in ay qanciyaan waalidiinta wiilashooda weysan.

Madaxweynuhu waa in uu la kulmaa waalidiinta, xaq ayey ugu leeyihiin in uu qanciyo. Haddii uu diido waalidiintu waa in ay ilinka Vila Somalia degaan, kana dhaqaaqin ilaa iyo inta ay jawaab cad ka helayaan.

Culimmada, bulshada rayidka ah, siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee bulshada waa in ay waalidiinta garab ku siiyaan sidii ay ku heli lahaayeen akhbaarta ubadkooda raq iyo ruux middood. Daddaal kasta oo haatan la bixiyaa wuxuu badbaadinayaa wiilasha aan weli dagaalka gelin ee bad qaba.

Wiilasha ciidanka iyagaa qortay ee lama qafaalin, mana aha ciidan nabad ilaalin dal kale loogu diray. Madaxweynaha iyo taliyihiisa NISA waa waalid ubad leh, waxba yaysan meelo kale ku meeraysan ee haddii uusan warku jirin, waalidiinta iyo wiilashooda ha wada hadalsiiyaan, haddii uu dhab yahayna ha qirteen, waa lagula xisaabtamayaahe"

Hoggaamiyaha ayaa talo usoo jeediyay Madaxweynaha in uu qanciyo waalidiinta ka wel-welsan arrinta ku aadan geerida lasoo sheegay ee caruurtoodii askar nimada loogu qaaday dalka dibaddiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.