Mas’uuliyiin hor leh oo ku biiray Shirka ka socda Villa Somalia

Shirkan ayaa ah mid looga hadlayo doorashooyinka dalka, sida ay u dhici lahaayeen iyo in waqtigooda lagu qabto.

Warar Keydmedia Online
Mas’uuliyiin hor leh oo ku biiray Shirka ka socda Villa Somalia

Xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, waxaa xalay dib uga bilowday shirka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, kaasi oo saacado badan hakad ku jiray.

Shirkan ayaa ah mid looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay ugu qabsoomi lahaayeen waqtigooda.
Wararka ay heshay Keydmedia Online ayaa waxay sheegayaan in shirkan ay kusoo biireen guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo sii haya xilka ra'iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku adkeysanaya qodobo ay ka mid yihiin:

1- in doorashada ay ku dhacdo waqtigeeda, lagana fogaado muddo kororsi.

2- in deegaannada doorashada aysan ka badnaan Labo deegaan.

3- in ergada doorashada ay noqdaan 101 ergo ama 150.

Shirkan ayaa ah mid ay aad u wada eegayaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in ugu dambeyn laga soo saaro war-murtiyeed.

Keydmedia Online

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 November 2020 19:41

"Saaxiibkey [Farmaajo] aniga waxaan aaminsanahay in doorashadda lala galo marabo, isagoo jaakad toshay, jaakadana isagay kaligiisa u gashaa, qof kale in loo geliyo ma rabo," ayuu yiri Shariif Xasan.