Mas’uuliyiin ka socda DDS oo ku sugan Bakool

Ulajeedka safarkan ayaa lagu sheegay iskaahi dhanka ammaanka ah.

Warar Keydmedia Online
Mas’uuliyiin ka socda DDS oo ku sugan Bakool

BAYDHABO, Soomaaliya - Waxaa degmada Yeed ee gobolka Bakool soo gaaray wefdi ka socda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya (Soomaali Galbeed), halkaasi oo ay kula kulmayaan maamulka deegaanka.

Ulajeedka socdaalkoodan ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay maamulka deegaankan oo xad la leh Itoobiya ugala shaqeyn lahaayeen ammaanka.

Mas'uuliyiinta maamulka degmada Yeed ayaa sheegay in Labada dhinac ay ka wad-hadleen sidii loo wada sugi lahaa ammaanka, loona sameyn lahaa iskaashi ballaaran.

Yeed oo Bakool ka tirsan ayaa ah deegaan muhiim ah, waxaana halkaasi ku xooggan ciidanka Itoobiya iyo kuwa loo yaqaan Liyuu Boolis.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.