Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo xukunno adag lagu riday

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno xarig iyo ganaax ah isugu dartay shaqaale ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lagu helay falal xatooyo iyo musuq maasuq ah.

Warar Keydmedia Online
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo xukunno adag lagu riday

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno xarig iyo ganaax ah isug dartay shaqaale ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lagu helay falal xatooyo iyo musuq maasuq ah.

Eedeysanayaashaan ayaa soo maray heerar kala duwan oo Maxkamadda ah, waxaana maanta oo Khamiis ah lagu dhawaaqay xukunkooda kaas isugu jiro xabsi iyo ganaxaa lacageed oo lagu xukumay.

Xubnaha la xukumay ayaa kala ah:

1-Maxamed Ibraahim ayaa lagu xukumay 10 sano oo Xabsi ah kadib markii lagu helay xatooyada $202,000 oo hanti dadweyne aheyd oo uu ku shubtay Qasnadiisa gaarka ah.

2-Cali Shiekh Doon ayaa lagu xukumay 9 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay falka xatooyo hanti dadweyne.

3-Aweys Xassan Cumar ka tirsan waaxda Xisaabaadka ee Wasaarada Warfaafinta ayaa isn lagu Xukumay hal sano iyo bar ka dib markii lagu helay wax is daba marin hanti Dadweyne.

4-Khadar Aweys Xassan ayaa isagana Maxkamadu ku xukuntay 3 sano oo Xabsi ah.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dhawaan sidaan oo kale xukunno ganaax iyo mid lacageed ah isugu dartay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.