Masuuliyiin ka tirsan Koonfur galbeed oo qarax lala eegtay

Waxaa ka dhashay qasaaro oo ilaa iyo hadda laga soo werinayo dhaawaca Taliyaha NISA ee degmada Buurhakaba, Xuseen Dhuubow iyo guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Buurhakabo Nuurow Ibraahim.

Warar Keydmedia Online
Masuuliyiin ka tirsan Koonfur galbeed oo qarax lala eegtay

BUURHAKABA, Soomaaliya- Qaraxa oo ahaa miinada dhulka la geliyo ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan maamulka dagmada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Waxaa ka dhashay qasaaro oo ilaa iyo hadda laga soo werinayo dhaawaca Taliyaha NISA ee degmada Buurhakaba, Xuseen Dhuubow iyo guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Buurhakabo Nuurow Ibraahim iyo sidoo kale qaar kamid ah askartii la socotay.

Qaraxa kaddib, waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur galbeed, kuwaas oo durba ka bilaabay aagga mashaqadu ka dhacay inay baaritaan ka sameeyaan.

Weli wax war ah kama soo bixin masuuliyiinta maamulka Koonfur galbeed oo ku aadan inta ay la eg tahay qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan lala eegtay Taliyaha NISA ee degmada Buurhakaba, Xuseen Dhuubow iyo guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Buurhakabo Nuurow Ibraahim.

Weerarrada Al-shabaab ayaa ahaa kuwo isa soo taraayay dhawaanahan, shalay aheyd markii ay dhulka la simeen qeyb kamid ah dhismihii garoonka diyaaradaha dagmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, kaasi oo lagu waday in xarigga laga jaro.

KEDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.