Masuulyiinta Dowladda Ee Gobbolka Bakool “Shabaab waan kala wareegi doonaa Deegaanada ey qabsadeen”

Muqdisho (Keydmedia) - Xiliga shalay ay Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ay dagaal kula wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Bakool oo ay inta badan ka arimiyaan Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Ethoipia ayaa waxaa ay masuulyiinta Dowladda ee Bakool ay shaaciyeen inay wadaan qorshe dagaal oo ay gobbolka uga saarayaan Al shabaab.
Warar Keydmedia Online
Masuulyiinta Dowladda Ee Gobbolka Bakool “Shabaab waan kala wareegi doonaa Deegaanada ey qabsadeen”

Maxamed Macallin Guddoomiyaha degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo aan khadka taleefanka kula xiriirnay ayaa sheegay in ay shabaab ka qabsan doonaan degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolka Bakool.

“Waxaan dhowaan la wareegi doonaa Degmooyinka Waajid iyo Tiyeeglow iyo deegaanada kale ee ay gobolka kaga sugan yihiin” ayuu yiri Maxamed Macallin.

Sikastaa shalay ayay ahayd markii Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab ay dagaal kula wareegeen Deegaano ka tirsan gobbolka Bakool oo ay horay ugu suggnaayen Ciidamada.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho