Maxaa diiradda lagu saarey Kulanii Rooble iyo Boris Johnson?

Dowladda Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka tababarka siiya Ciidanka xoogga dalka, waxayna sidoo kale ka taageertaa DF dhinac horumarinta iyo dhaqaalaha.

Warar Keydmedia Online
Maxaa diiradda lagu saarey Kulanii Rooble iyo Boris Johnson?

LONDON, UK - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa Maanta kula kulmay London dhigiisa Ingiriiska Boris Johnson iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi Dominic Raab.

Kulankan ayaa dhacay kadib markii uu soo gabagaboobey Shir socday labo maalin, oo looga hadlay arrimaha waxbarashadda caalamka, kaasoo ay ka qeybgaleen hogaamiyeyaal dacalada aduunka ka tagey, waxaana lagu aruurinayay  US$5 billion oo looga tala-galay waxbarashadda Caruurta aan Iskuulka awoodin oo ku nool 90 dal.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Rooble iyo Boris ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan, arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka.

Rooble ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, dhanka amniga, horumarinta iyo dowlad-dhisidda, iyadoo saldhig ay ku leedahay Baydhabo ku tababarto askar Soomaali ah.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in wixii ka dambeeyay berri uu kasoo tago London, isagoo kusoo wajahan Muqdisho oo dib uga billaabi doono shaqada arrimaha doorashadda oo maanta afar senator lagu doortay Kismaayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.