Maxaa dowladda Federaaka kaga qorshe ah xudduudka Itoobiya?

Dowladda Kenya, ayaa arbacadii ku dhawaaqday in ay sare u qaadday ammaaka Xududda kala dhaxeysa Itoobiya, waxayna shacabkeeda u baaqday in foojignaan muujiyaan.

Warar Keydmedia Online
Maxaa dowladda Federaaka kaga qorshe ah xudduudka Itoobiya?

MUQDISHO, Soomaaliya – Sii socoshada xiisadaha colaadeed ee ka aloosan dalka labaad ee ugu dadka badan Africa ee Itoobiya, ayaa sababi kara mowjado qaraar oo ka hirgala geeska Africa iyo guud ahaan waddamada gobolka.

Sida ay tabineyso warbaahinta caalamka, colaadda iyo dagaallada ayaa sii fidaya, waxaana meesha ka baxay xasilloonidii waddanka, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa shacabka ugu baaqay in ay hubka qatan, halka guud ahaan la laalay sharcigii dalka u yaallay.

Kooxaha  TPLF iyo OLA, oo ciidanka Dowladda cashir dagaal ugu dhigaya degaanka Amxaarada, ayaa si cad u sheegay in ay u ruuqaansaden Caasimadda Addis Ababa,oo ay hadda u jiraan wax ka yar 400 oo kiiloomitir.

Dhawaan RW Abiy Axmed, wuxuu sheegay in TPLF, ay garab ka heleyso waddamo shisheeye, waxaana hadalkaas loo qatay in maamulka Joe Biden, [Mareykanka] uu dhanka sahanka cirka ah ka saaciayo Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

Haddii Jabhaduhu gaaraan Addis, waxaa la rumeysan yahay in Soomaaliya ay durba ka mid tahay dooqa dalalka ay naftooda ula baxsan doonaan qoysas badan oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo maanta ku haya arxan darrada Tigray.

Xudduudka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah mid furan, mana muuqdo qorshe ammaan oo ilaa hadda ay arrinkaan ka dejisay Dowladda Federaalka.

Shacabka Itoobiya ayaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 115 million, taas oo sii kordhineysa cabsida ay qabaan ku dhawaad muwaadiniinta Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 20-ka million lagu qiyaaso.

Dowladda Kenya, ayaa arbacadii ku dhawaaqday in ay sare u qaadday ammaaka Xududda kala dhaxeysa Itoobiya, waxayna shacabkeeda u baaqday in ay foojignaan muujiyaan.

Dalka Sudan, waxaa gudaha u galay boqollaal kun oo Tigray ah, tan iyo markii dagaalladu ka billowdeen waqiiyiga Itoobiya, halka Jabuuti oo dariska Itoobiya ka mid ah ay tagaan jidad waaweyn oo ganacsi, mujaahiriin badanna ku baxasan karaan.

Bariga iyo waqyooyiga Soomaaliya, ayaa laga helaa shaqsiyaad aan badneyn oo qoymiyadda Oromada ka soo jeeda, kuwaas oo danyar ah, hayeeshee, dhowr jeer loo muujiyay in aan dalka laga jecleyn.

KEYDMEDIA ONLINE  

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 8 December 2021 17:43

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa qaaday tallaabo ay ku burburinayaan dhaqaalaha Muqdisho, waxaana magaalada la soo galiyay malaayiin doolar oo been abuur ah, halka mashiinno iyo daawooyin lagu nadiifinayo lacago sharci darro ah.