Maxaa hortaagan in Ikraan Tahliil hesho caddaalad?

Is hortaagga kiiska Ikraan in si sax ah loo baaro, lana maxkamadeeyo dadkii ku lugta lahaa falkaasi, ayaa sabab u ah in weli aysan helin caddaalad, Fahad oo qeyb ka ah ragga lagu tuhunsan yahay kiiska ayaa taageero ka helay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo. Baaryaasha xuquuqda aadanaha ayaa codkooda ku biiriyay caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil. 

Warar Keydmedia Online
Maxaa hortaagan in Ikraan Tahliil hesho caddaalad?

MUQDISHO, Soomaaliya- Khilaafka hareeyay dowladda Soomaaliya oo sabab u ah kiiska Ikraan Tahliil oo lagu kala qeybsan yahay caddaalad u raadinteeda, ayaa dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha waxay codkooda ku biiriyeen in Ikraan qoyskeedu helaan caddaalad.  

Cabdullaahi Calas Jimcaale, oo ka mid ah difaacayaasha xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, muddo dheerna ahaa baare xadgudubyada xuquuqda aadamiga ah ayaa sheegay in caqabado badan ay hortaagan yihiin in laga gun gaaro kiiska dhibane Ikraan Tahliil.

Mid ka mid ah caqabadaha uu xusay waa faragelin kaga imaaneysa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo aan oggoleyn in si xaq iyo xalaal ah lagu dhameeyo kiiska, taas oo caddeyn u ah sida ay uga warqabaan halka uu baaritaanku ku soo biyo shuban doono.

Fahad Yaasiin ayaa ilaa iyo hadda laga la’yahay macluumaad la xariira kiiska Ikraan, oo muddo sannado ah ka tirsaneyd hay’adda Nabad sugidda Soomaaliya.

Cabdullaahi Calas Jimcaale  ayaa ku talinaya in baaritaanka kiiska Ikraan uu ka madax banaannaado madaxda dowladda Soomaaliya, si qoyskeedu ay caddaalad ugu helaan sharciga hortiisa.

Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa hore u dalbaday caddaalad u helidda Ikraan, iyagoo isu soo bax ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin arrinta Ikraan Tahliil ka dhigay, qeybo ka mid ah caasimadda, hayeeshee waxa ay is hortaag kala kulmeen ciidamo daacad u ah Farmaajo iyo Fahad.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.