Maxaa ka cusub dagaallada ka holcaya waqooyiga Itoobiya?

Afhayeen u hadlay Dowladda Itoobiya  ayaa sheegay in Shewa Robit, oo ah magaalo ay sheegteen ciidamada Tigreega todobaadkii hore, ay ka mid tahay kuwa hadda gacanta u galay ciidanka difaaca Itoobiya.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ka cusub dagaallada ka holcaya waqooyiga Itoobiya?

ITOOBIYA - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay dib u qabsadeen magaalada Shewa Robit oo 220km (135 miles) u jirta caasimadda Addis Ababa, taasoo todobaadkii hore ay la wareegeen dagaalyahannada ka soo jeeda gobolka Tigray ee u diriraya Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

Legesse Tulu, oo ku hadlay afka Xukuumadda ayaa sheegay Arbacadii, in Shewa Robit ay ka mid tahay dhowr magaalo oo ay dib ula wareegeen ciidamada Itoobiya iyo ciidamada gobolka Amxaarada, ee daacadda u ah Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Tulu, wuxuu sidoo kale sheegay in galinkii dambe ee Arbacadii ay ciidamadu dib u qabsadeen, magaalada taariikhiga ah ee Lalibela iyo garoonka caalamiga ah ee Lalibela, oo ay gacanta ku hayeen dagaalyahannada Tigrayga tan iyo bishii Ogoosto ee sanadkaan.

Iska hor-imaadka ciidan ee ka socda Jahada Shewa Robit, ayaa qaatay muddo bil ka badan, kadib markii ay ciidamada Tigreegu sheegeen in ay qabsadeen magaalooyinka istiraatiijiga ah ee Dessie iyo Kombolcha, kuwaas oo dhaca marin muhiim ah oo isku xira Addis Ababa iyo Jabuuti.

Legesse Tulu, wuxuu sheegay in dowladdu ay "muddo gaaban gudaheed" dib ula wareegi doonto Dessie, xitaa iyadoo la sheegay in dagaalku uu ka socdo ugu yaraan saddex jiho.

Jabhadda Tigreega ee TPLF ayaa dhankeeda sheegtay in ay istaraatijiyad dagaal uga baxday degaanno gaar ah.

Maalmihii la soo dhaafay, warbaahinta dowladda ayaa baahineysay muuqaallada Abiy oo labisan dhar ciidan, kaas oo todobaadkii hore shaaciyay inuu hoggaamin dono weerar rogaal celis ah, kaddib markii dagaalyahannada TPLF, ku hanjabeen inay ku wajan yihiin Addis Ababa.

Inta badan waqooyiga Itoobiya waxaa ka maqan isgaarsiinta, waxaana si weyn loo xaddiday gelitaanka saxafiyiinta, taasoo ka dhigaysa sheegashada goobaha dagaalka inay adagtahay in la xaqiijiyo.

Cabsida laga qabo in ciidamada Tigreegu gaaraan Addis Ababa ayaa keentay in Maraykanka, Faransiiska, Ingiriiska iyo dalal kale ay muwaadiniintooda ugu baaqaan inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan Itoobiya, maadaama isku dayo dhex dhexaadin aysan miradhalin.

Tobanaan kun oo qof ayaa la dilay, malaayiin ayaa barakacday, halka ay boqollaal kun wajahayaan macluul daran, sida lagu sheegay qiyaasaha Qaramada Midoobay, tan iyo markii uu dagaalku qarxay horraantii Noofambar 2020.

Dabayaaqadii Noofambar, ciidamada dawladdu waxay qabsadeen caasimadda Tigray ee Mekelle, hayeeshee, bishii Juun, ciidammada Tigraygu ayaa dib ula wareegay inta badan gobolka taas oo keentay in ay u daataan gobollada deriska ah ee Axmaarada iyo Canfarta.

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa booqasho ku jooga dalka Itoobiya. Waxaa la filayaa in uu la kulmo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Demeke Mekonnen, kaas oo la wareegay shaqada maalinlaha ah ee dowladda inta uu Abiy ku jiro goobta dagaalka.

Dalalka Shiinaha iyo Ruushka, ayaa taageero xooggan u muujiyay maamulka Abiy, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa shalay baahisay shir-jaraa’id oo uu qabtay dublamaasiga Shiinaha Wang Yi, kaas oo sheegay  in Shiinuhu ka soo horjeedo faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Itoobiya."

Todobaadki hore ayuu hogaamiyaha kooxda TPLF Debretsion Gebremichael qoraal udiray Qaramada midoobay, kaas uu ku muujiyay in Itoobiya ay heshay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shiinaha, iyo sidoo kale hub ka yimid Iran, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta (UAE), taaso kor u qaadday walaaca laga qabo duqaymaha ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Drones-ka ka fulinayaan Gobolka Tigray.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.