Maxaa ka dhici kara ICJ, kadib baaqashada Kenya?

Dowladda Kenya ayaa ku war galisay Maxakamadda Caddaaladda Adduunka in aysan ka qeyb gali doonin dhageysiga kiiska dacwada badda.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ka dhici kara ICJ, kadib baaqashada Kenya?

MUQDISHO, Soomaaliya –  Kenya waxa ay si cad ugu sheegaty Maxamadda Cadaaladda Adduuka ICJ, in aysan birri ka qeyb gali doonin dhageysiga dacwada badda Soomaaliya, ee Kenya ay muranka galisay 10 sano ka hor.

Dalka Kenya, ayaa dhowr qodob u sababeeyay baaqashadooda, waxayna ku doodeen in Maxamaddu aysan dhex-dhexaad ka ahayn kiiska ay qaadeyso gartiisa.

Hadaba Maxaa ka dhici kara birri Maxakamadda ICJ, kadib baaqashada Kenya?

Sida sharcigu qabo, labada dal ee dacwadu ka dhaxeyso, waxa uu mid waliba xaq u leeahay inuu soo bandhigo doodaha uu qabo iyo caddeymaha ay hayaan.

Haddii labada dal midkood imaan waayo maxakamadda, dalka kale wuxuu xaq u leeyahay inuu gudbisto dalbkiisa iyo dacwadisa, garsoorkuna dhageysto.

Hadii, labada dhinac midkood imaan waayo Maxakamadda, dhinaca kale wuxuu codsankaraa in  dalabkoda loo meel mariyo, sida uu qabo Xeerka maxkamdda ICJ qeybtiisa 53-aad.

Soomaaliya waxa ay xaq u leedahay in birri la dhageysto, maadaama ay diyaar tahay, isla markaana soo xaadirtay xilligii loo madlanaa dhageysiga dacwada badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay.

Maxakamadda ICJ, wali ma xukmisay dacwadaan oo kale oo labadii dhinac mid kamid ah maqan yahay?

Dalka Philippines, ayaa kadib murankii badda ee kala dhaxeeyay Shiinaha, wuxuu dacwo u gudbiyay maxkamadda ICJ 2013, Shiinaha ma yeelin inuu soo xaadiro makamadda, halka sanadkii 2016, go’aan ay soo saareen golaha garsoorayaasha maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay baddii lagu muransanaa u xukumayeen Philippine.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.