Maxaa ka jira in Puntland ay hub siisay Ahlu Sunna?

Puntland ayaa lagu eedeeyay inay ka shaqeynayso sidii Galmudug colaadda ka taagan usii socon lahayd, iyadoo ka ilaalinaysa inay furato dekadda Hobyo.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ka jira in Puntland ay hub siisay Ahlu Sunna?

GAALKACYO, Soomaaliya - Puntland ayaa gaashaanka u daruuray eedeymo loo jeediyay oo ahaa inay taageero hub iyo dhaqaale uu siisay Ahlu Sunna aysan u degin Galmudug.

Gudoomiyaha Mudug ee Puntland, C/ladhiif Muuse Nuur [Sanyare], ayaa sheegay in wararka inay taageereen Ahlu Sunna aan waxba ka jirin, oo ay yihiin kuwa ujeedo laga leeyahay.

Wuxuu xusay in Puntland ay taageersan tahay maamulka ka jira Galmudug, oo ay iska kaashadaan la dagaalanka Al-Shabaab iyo amniga Gaalkacyo, oo labada dhinac kala maamulaan.

Beeninta Sanyare ayaa timid kadib markii uu Madaxweyne Qoor-Qoor uu sheegay maalin kahor inay jiraan Maamul Goboleedyo ka taageeray Ahlu Sunna inay markale dib usoo noolaato.

Sidoo kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in hogaanka Ahlu Sunna, gaar ahaan Maclin Maxamuud uu ku sugan yahay waqooyiga Gaalkacyo, qeybta Puntland kadib markii kasoo cararay Guriceel.

Bishii August ee 2021, Puntland ayaa siisay Galmudug 10 Cabdi-Bille, gaadiidka dagaalka iyo hub cusub, kuwaasoo la sheegay inay gacanta u galeen Ahlu Sunna, una adeegsatay qabashada Guriceel iyo degaanno kale oo ku dhaw Dhuusamareeb.

Puntland ayaa lagu eedeeyay inay ka shaqeynayso sidii Galmudug colaadda ka taagan usii socon lahayd, iyadoo ka ilaalinaysa inay furato dekadda Hobyo, maadaama reer Galmudug ay ka wareegan doonaan isticmaalka dekadda Boosaaso.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.