Maxaa ka socda magaalada Mekelle oo ay la wareegeen ciidanka Itoobiya?

TPLF ayaa jab xooggan waxaa kusoo gaaray dagaalkii xooganaa ee shalay dhacay.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ka socda magaalada Mekelle oo ay la wareegeen ciidanka Itoobiya?

Ciidanka dowladda federaalka Itoobiya ayaa waxa ay xalay gudaha u galeen magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray-ga, kadib dagaal ay la galeen ciidanka TPLF.

Kahor inta aanay ciidankan qabsan magaalada, waxaa magaalada duqeyn xooggan u geystay diyaarado dagaal, waxaana ay bar-tilmaameedsadeen ciidanka TPLF.

Wararka maanta oo Axad ah ka imaanaya magaalada Mekelle ayaa waxay sheegayaan in ciidanka Itoobiya ay halkaasi ka wadaan howlgal aad u ballaaran, waxaana ay daba socdaa raadka TPLF.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in uu dhammaaday howlgalkii Milatariga, islamarkaana hadda ay bilaabayaan dib u dhiska kaabayaashii dhaqaalaha ee dagaalka ku burburay.

Abiy ayaa sidoo kale sheegay in dib loo soo celinayo dadkii ka barakacay gobolka Tigrayga, wuxuuna ku hanjabay in maxkamad lasoo saari doonno hoggaamiyeyaasha TPLF.

Dagaalka u dhaxeeyey ciidanka dowladda federalka Itoobiya iyo kuwa jabhadda TPLF ayaa socda wax ka badan 20 cisho, waxaana ka dhashay khasaare aad u xooggan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.