Maxaa ka socda Villa Somalia?

Waxaa la filayaa in qaab wadahadal lagu soo afjaro khilaafka labada mas'uul, oo gaarey heerkii ugu xumaa.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ka socda Villa Somalia?

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa ka socda Villa Somalia illaa saakay kulamo gaar-gaar ah oo dhex-dhexaadin ah, kuwaasoo lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Qoor-Qoor iyo Lafta-Gareen ay la kulmeen labada dhinac, islamarkaana ay ka ogolaadeen inay yeeshaan kulan fool-ka-fool ah.

Dadka ku dhaw xafiiska Rooble ayaa sheegaya in Ra'iisul wasaaraha uu la kulmay Farmaajo, islamarkaana ay jiraan arrimo la isla-meel-dhigay, balse aan la gaarin wax heshiis ah.

Villa Somalia ayaa ka jira mashquul xoog leh, waxayna labada dhinac sameynayaan la-tashiyo, ku aadan ajandiyaasha laga hadlayo oo ugu weyn cadaalad u helida Ikraan Tahliil.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu sharuudo wato, wuxuuna doonayaa in Rooble uu ogolaado Fahad Yaasiin inuu warbixinta Ikraan Tahliil horkeeno shirka uu ku baaqey 18-ka bishan.

Xudunta khilaafka labada dhinaca ayaa ah kiiska Ikraan Tahliil, oo waxwalba ka billowdeen, iyadoo Rooble uu doonayo in arinta lagu dhameeyo Maxkamadda Ciidanka qalabka sida.

Qoor-Qoor iyo Lafta Gareen oo Muqdisho ku sugan tan iyo khamiistii ayaa Farmaajo iyo Rooble ku dalbadey inay joojiyaan hadallada sii xoojinaya khilaafka, inta laga wada fariisanayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.