Maxaa ka soo baxay kulamadii Madaxda DG iyo GMM?

Guddiga turxaan bixinta, ayaa la filayaa in ay maanta yeeshaan kulnkooda Koobaad, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaana siiyay kalsooni buuxda.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ka soo baxay kulamadii Madaxda DG iyo GMM?

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib markii Golaha Midowga Musharixiinta Soomaaliya, ka hor yimaadeen qodobbo ka mid ah habraaca doorashada Golaha Shacabka, oo ay soo saareen, Madaxda Wada-tashiga Qaranka, waxaa lama huraan noqotay in Madaxweynayaasha DXDF ay raadiyaan xalka cabashada ay qabaan Musharixiinta.

Madaxweynayaasha Dowlad gobolleedyada, Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa shalay codsaday in ay kulan la qaataan Musharixiinta, waxaana ugu danbeyn la isku af-gartay in si wadajir ah Madaxweynayaashu u qaabilaan Musharixiinta.

Kulan ka dhacay huteel ku yaalla Xeendaabka garonka diyaaradaha, ayaa lagu abuuray isku soo dhawaansho, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa ogolaaday in laga wada-hadlo qodobdada ay cabashada iyo diidmada ka keeneen Midowga Musharaxiinta.

Kulan kale, oo xalay dhaxe maray labada dhinac, ayaa la isku raacay in labada dhinac iska magacaabaan Guddi min saddex xubnood ah, si turxaan bixin loogu sameeyo qodobada qaar ee ku xusnaa habraaca doorashada Golaha shacabka.

Lixdaan xubnood ee loo saaray turxaan bixinta habraaca, ayaa kala ah hoggaamiyaha Xibsiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Madaxweynihii hore ee Koofur galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir M. Geelle, halka Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ka socdaan MW Puntland Saciid Deni, Mw KG C/casiis Laftagareen iyo MW GM Axmed Qoorqoor.

Qodobbada ay doodad ka qabaan Musharixiinta, waxaa ka mid ah, soo xulidda Ergada ee odayaasha dhaqanka, kaalinta Bulshada rayidka iyo arrinta hubinta Ergada ee Hey’adda dambi baarista CID iyo qidmadaha tartamayaasha iyo ergada.

Guddiga turxaan bixinta, ayaa la filayaa in ay maanta yeeshaan kulnkooda Koobaad, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaana siiyay kalsooni buuxda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.