Maxaa kasoo baxay Kulankii Rooble iyo Mucaaradka?

Kulankan oo looga hadlayey mad madowga ka jira arrimaha doorashooyinka ayaa bilawday duhurnimadii maanta, isagoo ahaa mid albaabadu u xiran yihiin. 

Warar Keydmedia Online
Maxaa kasoo baxay Kulankii Rooble iyo Mucaaradka?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa maanta ku yeeshay gudaha Muqdisho, kulan qaatay ku dhawaad 7 saacadood.

Kulankan oo looga hadlayey mad madowga ka jira arrimaha doorashooyinka ayaa bilawday duhurnimadii maanta, isagoo ahaa mid albaabadu u xiran yihiin. 

Rooble ayaa ugu horreyn xubnaha xubnaha midowga musharaxiinta uga warbixiyey dadaalkiisa la xiriira in doorashadu ay u qabsoonta qaab caddaalad ah, islamarkaana la xalliyo dhamaanba tabashooyinka jira, isagoo taasina faray guddiyada ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa intii uu kulanka socday u ku wargaliyey Midowga Musharaxiinta in dhawaan uu shir u qabanayo, guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed iyo heer federaal, waxaana uu hoosta ka xariiqay in uu tallaabo ka qaadayo cid kasta oo ku xadgudubta hannaanka daah-furnaanta ah ee loo asteeyey in ay doorashada ku qabsoonto 

Waxaa sidoo kale kulanka lagu sheegay in ay kulmi doonaan gollaha wadatashiga qaran oo ka kooban Ra'iisul Wasaaraha iyo madaxda dowlada goboleedyada, kuwaasoo iyagu masuul ka ah doorashadda dadban ee uu dalku u dhaqaaqay 

Midowga musharaxiinta oo iyaguna shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in ay ka dhursugayaan waxyaabaha iska baddela hannaanka ay doorashaddu ku socoto, taasoo sida ay xuseen muhiimad weyn u leh mustaqbalka Soomaaliya. 

Kulanka Rooble iyo Midawga Musharaxiinta ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii ugu danbeeyey ay isi soo tareysay cabashada ka soo yeereysa xubnaha Midawga ee ku aaddan, boobka lagu hayo doorashadda Gollaha Shacabka, waxaase shaki badan la galinayaa suurtagalnimada hadalka Rooble oo indhaweydba la rumeysnaa inuu isku dhiibay hoggaanka Villa Soomaaliya sida sharci darrada ah ku fadhiya.

KEYDMEIDA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.