Maxaa ka soo baxay shirkii Rooble iyo Mucaaradka?

Waxaa goor dhow soo gababa-gaboobay shirkii u socday Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ka soo baxay shirkii Rooble iyo Mucaaradka?

MUQDISHO, Soomaaliya – Shirka oo looga hadlayay dhameystirka heshiiskii 25-kii bishii  Febaraayo, ayaa ku dhaamaday jawi u maaqda mid deggan waxaana laga soo saaray oo la isku raacay dhismaha labo guddi.

1 Guddiga qababqaabada bannaan-baxa nabadeed.

2 Guddiga Madaxa bannan ee baarista dhacdadii 19 Febaraayo ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Guddiga qababqaabada bannaan-baxa nabadeed, waxaa loo magacaabay lix xubnood oo saddex ka mid ah ay ka socdaan dhanka Midowga Musharixiinta, saddexda kalana ka yimaadeen dhanaka Xukuumadda.

Waxa ay kala yiihin; Xasan Xudubey Jimcaale, Cumar Maxamed Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar  oo ka socda dhanka Dowladda, halka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Daahir Maxamuud Geelle iyo Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ay ka socdaan dhanka Mucaaradka.

Guddiga Madaxa bannan ee baarista dhacdadii 19 Febaraayo ka dhacday Magaalada Muqdisho, isna wxaa loo magacaabay, Lix xubnood oo kala ah; Bashiir Maxamed Jaamac ‘Goobbe’, Maxamed Cabdulqaadir Xaaji, Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, Maxamed Cali Bariise, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud iyo Xuseen Macalin Maxamuud.

Waxaa lagu ballamay in kulan Saddexaad la isugu yimaado maalinta Khamiista ah ee Soo aaddan si loo dhameystiro wixii dhiman, waxaana la iclaamiyay in Mudahaadku uu dhacayo 6 bisha March oo ku beegan Sabtiga soo socda, kana dhacayo Taallada Daljirka Dahsoon..

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.