Rooble oo Warbixin siiyay Golaha Amniga ee QM

Shirkan ayaa ahaa mid ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama ay ku jirto waqti kala guur ah.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo Warbixin siiyay Golaha Amniga ee QM

MUQDIHSO, Soomaaliya - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Shir ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, shirkaasi oo ahaa mid Golaha Ammaanka xog lagaga siinayey hawlgallada Qaramada Midoobay ee UNSOM iyo hawlgalka AMISOM ee Midowga Afrika.

Shirka waxaa ka hadlay labada ergay ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika James Swan iyo Francisco Madeira oo labaduba ka hadlay kaalinta ay kaga jiraan taageeridda geeddi-socodka xasilinta iyo dawladnimada Soomaaliya.

Waxaa iyaguna ka hadlay wakiillada xubnaha Golaha Ammaanka oo ay ka mid yihiin wakiillada Maraykanka, Britain iyo Faransiiska.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Shirka ka hadlay ayaa warbixin ka bixiyay heshiiskii ay gaareen madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku saabsan doorashada Soomaaliya, waxa uu sheegay inay Soomaaliya ka go’antahay qabashada doorashada baarlamaanka dabayaqaada sannadkan, iyo doorashada hoggaanka horraanta sannadka soo socda.

Rooble ayaa Golaha Amaanka ka balanqaaday in Xukuumaddiisa ay ilaalinayso qoondada haweenka ee Baarlamaanka oo ah 30%, iyo ka qaybgalka dumarka ee heerarka kala duwan ee dawladda.

Waxa uu sheegay inuu xafiiskiisu guddi u saaray soo dejiya tubta loo marayo doorasho qof iyo cod ah oo waddanka ka dhacda 2024/2025, waxaana uu sheegay inay durba soo gudbiyeen qoraal qabyo ah kaasi oo la hordhigi doono Golaha Wasiirrada.

Ra'isul Wasaaraha ayaa sheegay inay dowladdu Baarlamaanka u gudbin doonto xubnaha guddiyada la dagaalanka musuq-maasuqa iyo guddiga xuquuqda aadanaha.

Khilaaf ayaa ka taagan guddiga doorashooyinka iyadoo mucaaradku dalbadeen in la bedelo dhammaantood, maadaama ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dowladda. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.