Maxaa keenay dagaal beeleedyada dalka ka soo cusboonaaday?

Waxaa waqtigan inta badan gobollada dalka, ka soo cusboonaaday dagaal beeleedyo, gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

News Keydmedia Online
Maxaa keenay dagaal beeleedyada dalka ka soo cusboonaaday?

MUQDISHO, Soomaaliya- Deggaaanada maamul goboleedyada dalka badankood, waxaa xilligan ka ooggan dagaal beeleedyo, khasaare kala duwan gaystay, kuwaa oo sida la sheegayo, ay dabada ka riixayaan kooxda sharci darrada ku fadhisa, kursiga dalka ugu sareeya.

Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, iyo Puntland, waxaa waqtigan ka taagan dagaal beeleedyo, ay ku naf waayeen dad ka badan 100 ruux, waana qorshe laga hagayo Villa Soomaaliya, kaas oo dalka u horseedi kara xasilooni darro, ka badan tii gudaha wadanka ka jirtay.

Duleedka Gobolka hiiraan waxaa toddobaadyadii ugu danbeeyey ku dagaalamayey beelo walaalo ah, halka sidoo kalana duleedka Caabudwaaq uu ka socdo dagaal beeleed, inta la ogyahay ay ku geeriyoodeen 10 qof, mana jirto tallaabo ay qaadeen dowladda dhexe, iyo maamullada deggaanadaas ka taliya, taas oo kuu bidhaamineysa, sida ay ugu qanacsan yihiin, dhiigga macno darrada ku daadanaya.

Deggaanada Damalla-xagarre iyo Saax-meygaag oo ka tirsan, meelaha uu ka arrimiyo maamulka Puntland, waxaa weli isku hor fadhiya beelo daris ah, iyadoo lagu guul-dareystay xalinta colaaddaas, waxaana ilaa iyo hadda ay galaafatay nolosha dad ku dhaw 30 qof, oo u badan dhinacyada dagaallamaya.

Waxaa xalay degmada Marka ka cusboonaatay xiisad dagaal beeleed, taas oo ka dhalatay dil ka dhacay magaalada, waxaana weli gudaha Marka laga dareemayaa, hub urrursi ay ku jiraan, labada beel ee ay dirirtu u dhaxeyso, xilli ay xusid mudan tahay in dhawaan la soo gababeeyey xiisad kale oo ka taagnayd Baraawe.

Dilalka la xiriira aannooyinka qabiilka, ayaa kordhay marka loo eego sanadihii hore, waxaana labadii toddobaad ee ugu danbeysay la diiwaan galiyey kiisas kor u dhaafaya 25 ruux, kuwaas oo aannooyin qabiil loo dilay, waana dhacdo walaac  galisay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya, in madaxtooyada dalka, ay dhaqaale badan ku bixineyso hurinta colaadaas, iyagoo beelaha qaar ku taageeraya hub, waana arrin aan lagu baraarugsaneyn oo keeni karta, in xaaladda dalka ay gaarto meel halis ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.