Gunnada oo laga jaray xubno katirsan Baarlamaanka Galmudug

Baarlamaanka Galmudug ayaa mushaarka ka jaray ilaa 6- xildhibaan, kuwaas oo ka soo hor jeeda siyaasadda aan qorshaha lahayn ee Qoor-qoor.

Warar Keydmedia Online
Gunnada oo laga jaray xubno katirsan Baarlamaanka Galmudug

Dhuusamareeb, Soomaaliya - Xildhibaanno tiradoodu gaareyso lix mudane, oo katirsan Baarlamaanka Galmudug, ayaa laga jaray gunnadoodii bilaha ahayd, sababo la xiriira in ay ka aragti duwan yihiin hoggaanka Galmudug ee Qoor-Qoor.

Xildhibaannadan, ayaa sidoo kale laga mamnuucay in ay ka qeyb galaan, ilaa afar fadhi oo uu Baarlamaanka Galmudug yeelanayo toddobaadyadan, sida lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay guddoonka.

Xildhibaannada ayaa aragtidooda oo ah mid ka baddelan tan Qoor-Qoor, ku soo bandhigay baraha bulshada, iyagoo dhaliil ku aaddan hab maamulkiisa u jeediyey, taasoo uu ka carooday.

Gudoonka barlamanka Galmudug ayaa sidoo kale wasaaradda maaliyadda ee maamulkaas, u diray warqad uu ku farayo, in mushaarka muddo labbo bilood ah laga jaro, 6- xildhibaan oo kala ah; Cabdulaahi Xirsi Maxamed, Axmed Cabdirisaaq Cabdulaahi, Cabdinaasir Aaden, Cabdiqaadir Cabdullaahi, Mursal Maxamed iyo xildhibaan Daahir Cabdi Shiiqow.

Qaar ka mid ah Xildhibaannadan oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay, in aysan aqbaleynin go'aanka lagu hor istaagayo mushaarkooda, waxeyna ka dhawaajiyeen in ay tagi doonaan fadhiga ugu soo horreeya ee uu yeelanayo barlamanka maamulka Galmudug.

"Cawaaqib walba oo ka dhasha, fadhiga barlamanka ee ugu soo horreeya, waxaa masuuliyadeeda qaadaya Qoor-Qoor", ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada oo warbaahinta la halday, wuxuuna intaasi ku daray in ay aragtidooda u madax bannaan yihiin, isla markaana aan laga hor istaagi karin ka qeyb galka fadhiyada barlamanka.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug, Cabdullaahi Xirsi Maxamed, oo ka mid ah xildhibaannada ganaaxan lagu soo rogay, ayaa isna ka hor yimid, go'aanka uu gaaray guddoonka Maamulkaas, isagoo gudoomiyaha barlamanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, iyo Madaxweyne Qoor-Qoor ku tilmaamay, kuwa carqaladeynaya habsami u socdka shaqada Baarlamaanka Galmudug.

Qoor-qoor ayaa amarkan dhiibay, isagoo jooga caasimadda Muqdisho, waana tallaabo muujineysa, in isaga iyo Farmaajo ay ka siman yihiin fikirka keli talisnimada ah, kaasoo uu dhaxalkiisu yahay dagaal sokeeye iyo qaran bur buray.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.