Sicir barar ka taagan Boosaaso

Walaac xooggan ayaa ka soo yeeraya, dadka ku dhaqan Boosaaso, kadib sicir barar dhanka raashinka ah oo ka dhacay magaalada.

News Keydmedia Online
Sicir barar ka taagan Boosaaso

BOOSAASO, Soomaaliya - Sicir barar dhanka raashinka quutul daruuriga ah, ayaa ka dhacay Boosaaso, kadib markii uu gaabis ku yimid howlihii shaqo ee ka socday dekedda magaaladaas.

Wixii ka danbeeyey bishii November, markaas oo uu agaasimihii PSF diiday xilka qaadista Hogaamiyaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaa hoos u dhacay howlihii ay qaban jirtay dekadda Boosaaso, waxaana magaalada ay gashay jawi colaaddeed.

Maraakiibta ku soo xiranaya dekadda ayaa yaraaday, iyadoo dhanka kalana aysan jirin muruq maal usoo xoogsi tagaya dekedda, sababa amni awgeed, waxaana walaaca ugu badan muujinaya shacabka magaaladaas ku nool, kuwaa oo qaarkood barakac ku ah duleedka Boosaaso.

Sara u kaca maciishada, ayaa laga cabsi qabaa in maalmaha soo socda ay saameyso deggaanada uu ka arrimiyo maamulka Puntland, maaddaama dekadda Boosaaso ay u ahayd isha dhaqaale ee ugu muhiimsan Puntland.

Xiisada ka taagan Boosaaso, ayaa toddobaadkan mar kale cirka isku shareertay, kadib markii siyaasiyiinta iyo waxgaradka maamulka Puntland ku abtirsada, ay ku guul dareysteen xallinta khilaafka u dhaxeeya Deni iyo reer Diyaano, oo iyaga isku dhajinaya hoggaanka ciidamada PSF oo ay in muddo ah gacantooda ku jiray.

Hub arruursi badan ayey labada dhinac wadaan, waxaana dhaq dhaqaaqooda laga darremayaa gudaha Boosaaso, iyadoo fariisimahoodu uu isku muuqdo, waana arrin suura galin karta in mar kale uu dagaal ka qarxo magaalada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
News 19 May 2022 9:23

US officials have suggested that the final decision on whether to send troops to Somalia “had taken time because of Biden’s caution over sending US troops into a conflict zone”, The Guardian reported.