Maxaa kordhiyay shilalka diyaaradaha Soomaaliya?

Afar shil oo diyaaradeed ayaa sanadkan ka dhacay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, taasoo dhalisay su'aallo ku saabsan bad-qabka hawada dalka oo noqday mid diyaarad kasta isaga duusho.

Warar Keydmedia Online
Maxaa kordhiyay shilalka diyaaradaha Soomaaliya?

MUQDISHO, Soomaaliya - Tan iyo burburkii dowladnimada Soomaaliya, waxaan jirin hubin lagu sameeyay tayada diyaaradaha ka howlgala dalka, maadaama aysan jirin nidaam dowladeed oo maamula xuduudaha dhulka, badda iyo hawada.

Sanadkan 2020, afar diyaaradood ayaa ku burburtay dalka, kuwaasoo dhamaantooda laga leeyahay dalka Kenya, oo ah isha Shirkadaha Soomaalida kasoo kireystaan diyaarado duugoobey, oo aan ceymis ku jirin, islamarkaana dalalka caalamka laga mamnuucay.

Waxyaabaha shilalka kordhiyay waxaa kamid ah diyaaradaha Wadanka ka shaqeeya oo aan tayo laheyn iyo duuliyaasha oo ah kuwa aan qibrad fiican u lahayn duulista, kuwaasoo u badan dhalinyaro dhowr bilood tababar la siiyay.

Sanadkan 2020, waxa burburay 4 diyaaradood, waxayna ku kala dhaceen Bardaale 4 May 2020, Baladweyne 14 July 2020, Dhoobley 4 Aug 2020 iyo Muqdisho maanta 19 Sep 2020.

Labo sano ayay dowladda Soomaaliya sheegtay inay lasoo wareegtay maamulka Hawada dalka, oo tan iyo 1992 laga maamuli jiray Nairobi, oo hay'adda QM katirsan gacanteeda ku jiray, laakiin wali waxba lagama qaban nidaamka ay ku shaqeeyaan diyaaradaha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.