Xaaladda Itoobiya oo sii xumaatay & Xil ka qaadis uu sameeyay Abiy Axmed

Xiisada u dhaxeysa Xukuumadda Itoobiya iyo ismaamulka Tigray-ga ayaa sii xuumaatay, waxaana Dagaalka Itoobiya loo baqayaa inuu isku bedalo mid sokeeye.

Warar Keydmedia Online
Xaaladda Itoobiya oo sii xumaatay & Xil ka qaadis uu sameeyay Abiy Axmed

ADDIS ABABA, Itoobiya - Dagaalka u dhaxeeya ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa Tigreega ee TPLF ayaa sii xoogeystay, iyadoo Labada dhinac khasaare uu soo kala gaaray.

Dagaalkii ugu dambeeyey ee maanta ayaa la sheegay in waxyeello xooggan ay kasoo kala gaartay Labada dhinac, waxaana ku dhintay ku dhowaad 20 askari oo Federaalka iyo TPLF ah.

Sidoo kale, saraakiil u hadashay TPLF ayaa sheegay in maanta ay soo rideen mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka oo damacsaneyd in duqeyn ay ka fuliyaan gobolka Tigreega.

Dhanka kale, Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa uu sameeyey xil ka qaadis iyo magacaabis, asigoo xilalkii ka qaaday taiyahii ciidamada Milatariga, madaxii Sirdoonka iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Itoobiya Gedu Andargachew.

Taliyaha ciidamada waxaa loo magacaabay Berhanu Jula oo ahaa taliye ku xigeenka.

Abiy aya Arbacadii ku dhowaaqay dagaalka ka dhanka ah Tigreega, waxaana wixii waqtigaasi ka dambeeyay dhacay dagaallo culus.

Dhammaan isgaarsiintii gobolka Tigreega ayaa hawada laga saaray, waxaana sidoo kale la joojiyey duulimaadyadii gobolka, iyadoo dhanka kale xaalad degdeg ah lagu soo rogay gobolkaasi.

Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa iska caabin xooggan kala kulmaya Tigreega oo haysta hub culus, waxaana dhanka kale dagaalladan ka qeybqaadanaya ciidamada cirka Itoobiya oo duqeyn ka fulinaya gobolka Tigreega.

Beesha caalamka ayaa ku baaqeysa in dagaalladan la joojiyo islamaraana wax walbo lagu dhammeeyo wadahadal iyo wada-xaajood.

Dowladda Itoobiya ayaa hadda dooneysa in gobolka Tigreega loo sameeyo maamul KMG ah, islamarkaana laga nadiifiyo TPLF.

Maamulka gobolka Tigray

Kadib billooyin daan-daansi, TPLF ayaa qabatey doorasho heer gobol ah xili dib loo dhigay doorashadda guud ee dalka sababo la xiriira COVID-19, waxaana tallaabada mas'uuliyiinta gobolka qaadeen horseeday cabsi iyo inuu dalka Itoobiya qarka u fuulo dagaal sokeeye.

Abiy Axmed ayaa sheegay in TPLF ay "qadka-gaduudan kasoo gudubtay", islamarkaana ay dowladiisa kahor-tageyso wax uu ugu yeeray isku-day gobolka Tigreegga looga jarayo dalka Itoobiya. Qomiyadaha intooda badan aan ku qanacsanayn Xukuumadda Addis Ababa.

Dhinaca kale Tigray laftirkooda ayaa wadda dhaqdhaqaaqyo lid ku ah go'aanka ka soo baxay Ra'iisal Wasaare Abiy Axmed iyagaoo doonaya in ay iska difaacaan Dowladda dhexe. 

KEYDMEDIA ONLINE
 

Commenting is not available in this channel entry.