Maxaa kusoo kordhay xaaladda Galmudug?

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ka fekeraya duulaan militeri inuu ku qaado Guriceel, islamarkaana u awood sheegto Ahlu Sunna, oo magaaladda dhawaan dibula wareegtay.

Warar Keydmedia Online
Maxaa kusoo kordhay xaaladda Galmudug?

GURICEEL, Soomaaliya - Xaalad colaadeed ayaa wali ka jirta qeybo kamid ah Galmudug, gaar ahaan Guriceel oo ay duleedkeeda isku hor-fadhiyaan Ciidanka DF iyo kuwa Ahlu Sunna.

Ganacsiga magaaladda ayaa la sheegay in intiisa badan uu xiran yahay, islamarkaana qoysas gaaraya illaa kun ay isaga carareen guryahooda, iyagoo gaareey degaanada miyiga ah.

Cabsi ayaa ka jirta Guriceel, taasoo ah in saacad walba la filan karo dagaal inuu qarxo, oo Ciidanka banaanka fadhiga ee ka yimid Dhuusamareeb inay fooda is-daraan kuwa Ahlu Sunna.

Hogaanka sare ee Ururka Ahlu Sunna ayaa horey u shaaciyay inuu magaaladda difaacayo, kadib markii wadahadalkii socday ee lagu doonayay in lagu xaliyo xiisadda uu fadhil ku yimid.

Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta Galmudug ayaa sameeyay isku day walba oo xaaladda lagu qaboojinayo, balse dhinacyada ayaa diiday inay tanaasul isku sameeyaan.

Qoor-Qoor oo taageero militeri ka helayo Villa Somalia ayaa la sheegay inuu rabo dagaal inuu kula wareego Guriceel, islamarkaana diyaar u ahayn in miiska wadahadalka la isagu yimaado.

Colaadda Galmudug ayaa imaanaysa xili abaaro ay ka jireen degaanno badan, oo horey anyaxa u baabi'iyay dalagii ku yaalla, iyadoo hadda uu jiro kuley badan iyo biyo la'aan daran.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.