Maxaa laga filan karaa shirka musharraxiinta ee Muqdisho

Farmaajo ayaa ka baqanaya war-murtiyeedka la filayo in shirkan laga soo saaro.

Warar Keydmedia Online
Maxaa laga filan karaa shirka musharraxiinta ee Muqdisho

Sida qorshaha uu yahay maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in lasoo saaro war-murtiyeedka shirkii Shanta maalin magaalada Muqdisho uga socday inta badan musharraxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa maalmihii uu socday waxaa aad looga dooday arrimo u badan doorashada iyo sida ay xubnahan u daneynayaan in wax badan laga bedalo xubnaha guddiga doorashada.

Musharraxiintan ayaa shirkan ku casuumay qeybaha kala duwan ee bulshada, culimada, waxgaradka iyo haweenka Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale shirkan qaab muuqaal ah uga soo qeybgashay beesha caalamka.

Hadaba waxyaabaa ugu badan ee war-murtiyeedka shirkan lagu sheegi doono ayaa ah in dalka aanu geli karin waqtigan qalalaase siyaasadeed, sidoo kalena Farmaajo uu wado in dgaal uu dhaco.

Waxa ay dalban doonaan musharraxiintan in haddii la doonayo dalkaan iney ka dhacdo doorasho in la bedalo guddiga doorashada heer federaal oo ay aad u saluugsan yihiin.

Sidoo kale, musharraxiinta ayaa u sheegi doona beesha caalamka in dhib walba oo dhaca uu mas'uul ka noqon doono madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed C/laahi Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.