Maxaa loogu diiday Cabdi Xaashi Shirka Dhuusamareeb?

Tan iyo sanadkii tagey, xiriirka Farmaajo iyo Cabdi Xaashi ma uusan fiicnayn, waxayna labada Mas'uul isku hayeen arrimo dastuuri ah oo Madaxweynaha ku tumanayay.

Warar Keydmedia Online
Maxaa loogu diiday Cabdi Xaashi Shirka Dhuusamareeb?

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyha Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi ayaa laga diiday codsi uu u gudbiyay Madaxweyne Farmaajo oo ahaa in lagu casuumo Shirka Dhuusamareeb.

Warar hoose oo Keydmedia Online heshay ayaa sheegaya in Villa Somalia ay ka diiday Cabdi Xaashi inuu tago Shirka, maadaama uu wato ajando ka dhan ah qorshaha Farmaajo ee afduubka doorashadda dalka.

Cabdi Xaashi ayaa warqad u diray shalay Madaxweynaha Galmudug Qoor-Qoor, taasoo uu ku wargeliyay Farmaajo iyo Madaxa Maamul Goboleedyada, si loogu ogolaado inuu kamid noqday dadka lagu casuumay kulanka.

Arinta uu wayn ee Cabdi Xaashi looga ogolaan waayay Shirka, ayaa ah inuu ka jeedin lahaa khudbad uu uga hadli lahaa musuq-maasuqa doorashadda uu ku hayo Farmaajo kadib markii kuraasta Xildhibaanada Somaliland loo gacan geliyay Mahdi Guuleed, oo ah calan-wade Madaxweynaha si indha la'aan ah u taageera.

Cabdi Xaashi maadaama uu yahay Mas'uulka ugu sareeyay siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee ku jirta dowladda, ayaa laga wareejiyay magacaabista gudiga doorashadda Xildhibaannada gobollada Waqooyi, kadib markii Villa Somalia ka shakisay inuu soo xulo xubno aan u codeyn doonin Farmaajo.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa Maanta Cabdi Xaashi ku booqday gurigiisa Muqdisho, iyagoo kawada hadlay arrimaha Shirka Dhuusamareeb iyo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan, iyadoo Musharixiinta ay taageero uu muujiyay Gudoomiyaha Aqalka Sare.

Doorashadda Soomaaliya ayaa ku jirta hubanti la'aan, iyadoo laga gudbay waqtigii la qaban lahaa, waxaana taagan khilaaf uu Farmaajo u arko inay fursad u tahay mudo-korarsiga uu rabo inuu ku gaaro.

Musharixiinta ayaa diidan damaca Farmaajo, waxayna dalbadeen in uu kala diro gudiga doorashadda uu kusoo diray Shaqaalaha rayidka, xubnaha NISA iyo Taageeriyaashiisa baraha bulshadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.