Maxaa Iska Badalay Xaalada Magaalada Marka? –WARBIXIN+SAWIRO

Muqdisho (KON) Inkastoo magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelaha Hoose uu ka dhacay isbadal xaga maamulka ah isla markaana kol hore magaaladaasi laga saaray Al-Shabaab ayaa xaalada magaalada waxay u muuqataa mid caadi ku soo laabanaysa.
Warar Keydmedia Online
Maxaa Iska Badalay Xaalada Magaalada Marka? –WARBIXIN+SAWIRO

 

Dadka magaalada ayaa haatan u muuqda kuwo la qabsaday isbadalka magaalada maadaama xiliyadii hore ay magaalada ka jireen xabsi isla markaana dhaq dhaqaaqa magaalada uu liitay.

Waxaan booqanay qaybaha kala duwan ee magaalada Marka waxaana haatan magaalada ay u muuqataa mid ku soo laabanaysa jawigeedii hore ee lagu yaqaanay.

Isku socodka magaalada iyo dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka iyo waliba ganacsiga magaalada ayaa haatan waxaa laga dareemayaa isbadal weyn, oo ah in dadku aysan qabin wax cabsi ah.

Maxamed Nuunow waxa uu ka midyahay dadka magaalada Marka ka xoogsada waxaana kula kulanay bartamaha magaalada, waxaana wax ka waydiinay xaalada Magaalada.

Maxamed ayaa sheegay in haatan xaalada magaalada Marka caday ay tahay mid degan isla markaana dadka deegaanka ay galeen jawi ka wanaagsan jawigii hore.

C/laahi Muuse Abuukar oo ah kusimaha gudoomiyaha maamulka gobalka Shabeelaha Hoose oo asna aan wax ka waydiinay xaalada magaalada ayaa wuxuu sheegay in amaanka magaalada haatan uu yahay mid wanaagsan, sidoo kalana wuxuu tilmaamay in maamulka iyo shacabka haatan ay is fahmeen.

Inkastoo maamulka gobalka uu amaanay amaanka magaalada ayaa hadana dadka deegaanka waxay sheegeen in ay jiraan shaqaaqado khasaaro geesta oo xiliyada qaar ka dhaca magaalada.

Keydmdia Online Xafiiska Muqdisho