Maxaabiis Burcadnimo u xirnayd oo lagu wareejiyay DF

Xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo maalmahan ku sugnaa magaalada Garowe ayaa ku guuleystay in ay lasoo wareegaan maxaabiis ku eedeysneed burcadnimo

Warar Keydmedia Online
Maxaabiis Burcadnimo u xirnayd oo lagu wareejiyay DF

GAROWE, Soomaaliya - Puntland ayaa si rasmiya u ogolaatay in ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejiso rag ku xukman Burcad-badeednimo oo ku xiran xabsiga weyn ee magaalada Garoowe xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug oo Garoowe tagay ayaa ka dalbaday Puntland in loo sii daayo rag dhallinyaro ah oo ka soo jeeda Galmudug kuwaasoo lagu riday xukunno kala duwan kaddib markii burcadnimo lagu soo eedeeyay, balse Puntland ayaa diiday codsigooda, waxayna ogolaatay in magaalada Muqdisho loo wareejiyo, iyado ku xirtay shardi ah in dowladda Federaalka ay aqbasho.

Puntland ayaa lagu wareejiyay maxaabiistan 21 April 2011-kii kaddib markii uu heshiis dhexmaray maamulka Puntland iyo jasiiradda Siishalis (Seychelles), waxayna labada dhinac ku heshiiyeen in maxaabiistu ay xukunkooda ku dhammaystaan xabsiyada Puntland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.