Maxaabiis ku xirnaa dibadda oo dalka lagu soo celiyay

Sii haya Wasiirka arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa uga mahadceliyay hay’adihii juhdiga iyo dedaalka ku bixiyay soocelinta Muwaadiniinta.

Warar Keydmedia Online
Maxaabiis ku xirnaa dibadda oo dalka lagu soo celiyay

17 maxbuus oo laga soo daayay xabsiyo ku yaalla wadanka Tanzania, ayaa maanta dib loogu soo celiyay Soomaaliya, iyagoo laga dejiyay Garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho.

Sii deynta iyo soo celinta maxaabiista oo mid kamid ah dumar tahay ayaa waxaa gacan ka geystay Ergayga gaarka ah ee xuquuqda Carruurta iyo tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomalaiya, Maryan Yaasiin , Wasaradda arrimaha dibadda, IOM iyo Safaraadda Somaaliyeed ee Dalka Tanzania.

Mudooyinkii dambe, waxaa gudaha Soomaaliya lagu soo celinayay muhaajiriinta laga soo celiyo xabsiyada Caalamka.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.