Maxaad ka taqaan taliyaha ciidanka Lugta Biixi?

Taliyaha Ciidanka Lugta Maamulka waqtigiisu dhamaaday, Biixi waa nin ka mid ah gacmihii dhiiga lahaa ee dhagarta qabay ee keligii Taliye Maxamed Siyaad Bare.

Warar Keydmedia Online
Maxaad ka taqaan taliyaha ciidanka Lugta Biixi?

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa la isku raacsan yahay in Taliyaha Ciidanka Lugta Maamulka Farmaajo, Jen. Maxamed Tahliil Biixi, uu galay dambiyo dagaal iyo gabboodfal uu u geystay dadweyne iyo maato aan waxba galabsan, walina uu ku taagan yahay wadadii gardarada iyo kibirka.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso, dhigmo gaaban oo qoraa Cabdirixiim H. Galayr uu ka inuugu sheegayo qofka uu yahay ninka uu Farmaajo ka dhigay Taliyaha Ciidanka Lugta Dowladda Soomaaliya.

Biixi waa kuma?

Ninkan waa Biixi waa nin ka mid ah gacmihii dhiiga lahaa ee dhagarta qabay ee keligii Taliye Maxamed Siyaad Bare.

Waa ninki gumaadka, kufsiga, dhaca iyo boobka, jidhdilka ka geysan jirey deegaannada Shabeellada dhexe ee haystay Xerada Qoriloow. Markii dambena ay jabhadda USC oo uu hoggaaminayo Korneyl Dhoore ka qabsaday.

Marka aan u garaabo Somaliland in ay gooni isu taagto waa markaan oo kale, in ninkii shalay ku diley maanta talada laguugu dhiibo oo lagaa xishoon waayo ileyn lagaaba baqan maayo oo  waxba laysaga kaa tirin maaye.

In Biixi Xamar Madax ka noqdaa waa arrin aan suuragal ahayn sida aysan Suuragal u ahayn inuu Moorgan Hargeysa Madax ka noqdo?

Sida aysan Suuragal u ahayn in Dhegaweyne  uu Garoowe iyo Gaalkacayo Madax ka noqdo!

Dowladnimada Farmaajo waa Filinkii Siyaad Bare qaybtiisii labaad, dadka u rixinaya waa kuwo aan u lahayn ogaal sooyaalka, ogeyna dhibka, raxanraadka, rafaadka, silica iyo saxariirka keligii taliye leeyahay

Qofka Farmaajo iyo Biixi taageersani waa mid u xiisa qaba, dil, xadhig, dhac, boob, garsoorxumo, awood sheegasho iyo tacadi oo dhan.

Waxa aan aad uga xumahay in aysan nooleyn rag aan ogahay maantana ay god jiraan, aysana marnaba suuragasheen magaalada Muqdisho iyaga oo jooga in Biixi  iyo kuwa la mid ah ka noqdaan Taliyayaal.

Adigu u qaado reernimo haddaad rabto, kanise waa eedaysane, loo haysto dambiyo dagaa iyo gabboodfal uu geystay dadweyne iyo maato aan waxba galabsan.

Taliyaha awoowgaa

Iyo Aabbaha diley

Ee Ololshay qoyska

Amar uu ku siin laa

Arrinkaaga fulin laa

Aakhiro adoo taga

Ka Galbada ifkoo idil

Ayaa kaaga magac roon.

La kala gobsan lana kala garasho dheer!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.