Maxaan ka naqaan Taliyayaasha diiday muddo kordhinta?

Waxaa aad loo hadal hayaa magacyada afar Sargaal oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo lagu amaanay in ay ka hor yimaadeen damaca Farmaajo ee muddo kordhinta.

Warar Keydmedia Online
Maxaan ka naqaan Taliyayaasha diiday muddo kordhinta?

MUQDISHO, Somaaliya - Hadda xaaladdu waa mid deggan, hayeeshee, colaado maalmihii la soo dhaafay Caasmidda ka curtay, waxa ay sababaeen in qeybo muhiim ah oo ka tirsan magaalada ay la weegaan Saraakiil ka baxay garabka Dowladda oo diiddan muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo.

Hadaba maxaan ka naqaannaa Saraakiishaan gadooday ee sheegatay in ay difaacayaan sharciga si dalku uga badbaado gacan Kalitalis?

1 - Sadak Joon

General Saadaq Cumar Xasan ‘Joon’, Wuxuu ahaa shaqsi aad ugu dhow Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo muddo afar sano ah, hayeeshee, waxa ay kala dheeraadeen 32 cisho kadib markii ay dhamaatay muddo xileedkii Farmaajo oo ku ekeyd 8 Febaraayo 2021.

Taliyihii Booliska gobolka Banaadir, Saadaq Joon, wuxuu 12 April, 2021, si cad u sheegay in uusan ogolaan doonin in dalku aado muddo kororsi sharci darro ah, isla maalintas, waxaa laga qaaday xilkii uu yahay, halka saacado kadibna laga xabuubiyay darajadii ciidanka.

Saadaq Joon, wuxuu isku dibba ritay ciidan daacad u ah, wuxuuna saldhigtay Xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan, isagoo u diyaar garoobay dagaal uu la galo Dowladdii uu la soo shaqeynayay muddadii afarta sano ahayd, wuxuuna u diyaar garoobay difaaca mucaaradka ka soo hor jeeda Farmaajo.

Saadaq Cumar Xasan wuxuu ku dhashay dhulka Soomaali Galbeed ee dalka Itoobbiya, wuxuu u soo wareegay Muqdisho horraantii 1993, kadib wuxuu u diga rogtay Ingiriiska, halka uu dalka dib ugu soo laabtay sannadkii 2014.

Saadaq Joon, Wuxuu xilal ka soo qabatay Nabad-sugidda Galmudug iyo Sir-doonka gobolka Banaaadir, ka hor inta aan loo magacaabin taliyaha booliiska Muqdisho bartamihii 2019.

2 - Indha-ade

Yuusuf Maxamed Siyaad, oo loo yaqaan ‘Indha-cade’,  waa Jeneraal howl-gab ka ah ciidanka qaranka Soomaaliyeed ‘SNA’ wuxuuna soo noqday Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga intii u dhaxeysay 2009 –2010.

Waxaa la bartay billowgii qarnigaan, isagoo ku sugan Shabeellaha hoose, sheegtana guddoomiyaha goolka, kadibna wuxuu xubin sare ka noqday hoggaankii Midowgii Maxkamadaha islaamiga, ee dagaalka kula jirtay ciidamadii Ethiopia ee ku soo duulay Soomaaliya 2006.

Gen Indha-cadde wuxuu ka mid noqday Urur-kii Xisbul Islaam, oo la sameeyay billowgii  2008, hayeeshee, khilaaf ka dhex qarxay hogaankii Ururka ayaa sababay inuu ka baxo kooxda una wareego dhanka Dowladdii Ku meel gaarka ahayd.

3 - Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalig

Wuxuu ahaa taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ee Mareykanku tababaray tan iyo sanadkii 2019, ka hor inta aan shaqada laga eryin bishii October ee sanadkii hore, isagoo noqday taliyihii 6-aad ee jagadaas qabta tan iyo markii dhidibada loo taagay Danab.

Taliyahaan oo ah nin aan aad loo aqoon ayaa waxaa tababaray Mareykanka wuxuuna hoggaamiyay howl-gallo qarsoodi ah oo ka dhan ah Al-Shabaab. Dowladda Fadaraalka ayaa in mudoo ah xabsiga ku heysay, kadib markii Aqalka hoose ee Baarlamaanku xilkii ka qaadeen RW Xasan Cali Kheyre.

4 - Xaadoole

Cismaan Xaadoole ayaa ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee militariga Soomaaliya ee ku sugnaa gobolka Shabeellaha dhexe in muddo ah, waxaana hore loogu eedeeyay in ciidankiisu weerar lala beegsadeen kolonyo boolis ah oo ku sii jeeday magaalada Jowhar sanadkii 2014.

Booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray waaran lagu soo qabanayo Xaadoole bishii Abriil 2014,  iyadoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal, hayeeshee mu suura galin in la soo qabto.

Hadda xaaladda Siyaasadeed ayaa u muuqaya mid deggan, kadib markii guud ahaan Maamul goboleedyadu diideen muddo kordhinta uuna ku raacay Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Mucaaradka ayaa ciidamada taabacsan ka codsaday in ay dib ugu laabtaan xarumahoodii, waxaana la filayaa in dib loogu laabto wada hadallada doorashooyinka, si loo dhameystiro heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray Muqdisho.

Ciidamada gadoodsan, ayaan wali ka bixin fariisimihii ay ka sameysteen xaafado ka tirsan Caasimadda, waxaana la dhowrayaa go’aanka Baarlamaanka Aqalka hoose oo loo yeeray Sabtiga soo socda, markaas oo uu hor tagi doono Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo.

KEYSMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].