Maxakamadda sare oo dhagaysatay dacwada Fahad

Haddii Bashe Yuusuf, fasaxo kursigaan, waxaa dhankooda diidi doona FEIT, oo masuul ka ah howlaha doorashooyinka, kuwaas oo yahay cabsho ay soo gudbiyeen, Musharixiin u tartamaysay kusriga iyo odayaasha beesha leh kurrsiga uu Fahad Yaasiin ka soo boobay 20-kii Feberaayo 2022 magaalada Baladweyne.

News Keydmedia Online
Maxakamadda sare oo dhagaysatay dacwada Fahad

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxakamadda sare ee dalka, ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwad uu Agaasimihii hore ee NISA, eedeysane Fahad Yaasiin ka gudbiyay, Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Federaal, [FEIT], kuwaas oo wax kama jiraan ka soo qaaday natiijada doorashadii kursiga HOP086, oo Fahad Yaasiin ku soo boobay Hiiraan.

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda, ayaa ku adkeystay go’aankiisii hore ee ahaa in Maxkamadda Sare laasho dacwada Kursiga HOP086, wuxuuna xaafiisku ku dooday in Guddiga FEIT, masuul ka yahay hirgalinta doorashooyinka dadban, isla-markaana uu xaq u leeyihiin go’aan ka gaarista, wixii cabasho jira ee la xariira hannaanka lagu heshiiyay.

Xafiiska Garyaqaanka Guud, wuxuu sheegay in Fahad Yaasiin uu waddo qaldan u maray dacwada, Maxakamadda Sarana aysan xaq u lahayn in ay qaaddo, dacwo la xariirta doorashooyinka dadban oo hore Golaha Wadatagiga Qaran ugu heshiiyeen, sida lagu xallinayo wixii tabasho soo laabta, waxayna soo jeediyeen in la taageero go'aanka FEIT.

Qareenka u doodayay Fahad, ayaa dhankiisa, si weyn u weeraray FEIT, wuxuuna dooddiisa u dhigay in sifo sharci darro ah, lagu hor taagan yahay Kursiga HOP086, loona heyso arrimo siyaasadeed oo ka baxsan sharciga doorashooyinka, wuxuuna Maxakamadda u soo jeediyay in la laalo go’aanka Guddiga FEIT, ku hor istaageen ansixinta natiijada.

Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Bashe Yuusuf Ahmed, oo la rumeysan yahay inuu Farmaajo iyo Fahad ku daaban yahay, ayaa dhageysi kadib sheegay in Maxakamaddu qaraar ka soo saari doonto dacwadan, kaasoo sida loo badinayo u xaglin doona Fahad.

Keydmedia Online, ayaa xasuusata in May 26, 2017-kii ay Maxkamadda Sare soo saartay go’aan ah in dib loogu laabto doorashada Sidddeed Xildhibaan ayadoo ka hor timid go’aan ay FEIT ku fasaxeen 11 kursi oo uu muran ka jiray, hayeeshee, Golaha Shacabka ayaa u codeeyay in la diido go’aanka Maxkamadda Sare, July 22, 2017.

Isla-maalintaas, bayaan ka soo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu diiday go’aankaas, halka, maalmo kadib, August 2, Garyaqaanka Guud, Cusmaan Cilmi Guuleed uu soo jeediyay in la raaco, xukunka Maxkamadda, kuraastana dib loogu noqdo, hayeeshee, go’aankaas ayaan shaqeyn, Sideedda Xildhibanna waxa ay dhameysteen muddu xileedkoodii.

Dadka Soomaaliyeed ayay layaab ku noqotay in ninkii shanti sano ee la soo dhaafay galay danbiyadii ugu badnaa, waraaqaha sharciguna u ahaayeen istaraashooyin lagu tirtirto, uu maanta sheego inuu sharciga xaq ka maqan ku raadsanayo, waana tallaabo muujineysa in ay meesha ka baxday awooddii uu sheeganayay in ka badan 60-kii bilood.

Dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin, ayaa ka furan Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana loo heystaa kiiska Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax, oo ku maqan gacantiisa. “Fahad hadduu u hoggaansamayo sharciga ha hor tago Maxkamadda CQS, hana iska difaaco eedaha qareennada u doodaya Ikraan Tahliil”, ayuu yiri Garyaqaan Xasan Cali.

Sidoo kale, waa inuu aqbalo in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, qaaddo dacwadii uu Sep, 2018, ka gudbiyay, Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad-sugida Cabdalla Cabdalla Maxamed, kaasoo Fahad ku eedeeyay inuu la shaqeeyo Al-Shabaab, taasoo uu qabtay Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, 2-dii September 2018.

Haddii Bashe Yuusuf, fasaxo kursigaan, waxaa dhankooda diidi doona FEIT, oo masuul ka ah howlaha doorashooyinka, kuwaas oo haya cabsho ay soo gudbiyeen, Musharixiin u tartamaysay kusriga iyo odayaasha beesha leh kurrsiga uu Fahad Yaasiin ka soo boobay 20-kii Feberaayo 2022 magaalada Baladweyne.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.