Maxakmada gobalka Banaadir oo maanta xukuno riday

Muqdisho (KON) Maxkamada gobalka Banaadir ayaa riday xukuno kala duwan oo lagu riday dambiilayaal galay kiisas kala duwan kadib markii dacwadooda maanta ay maxkamada ufariisatay.
Warar Keydmedia Online
Maxakmada gobalka Banaadir oo maanta xukuno riday

 

Tirada guud ee maxkamada maamulka Gobalka Banaadir maanta la horkeenay ayaa waxa ay gaarayeen 12-ruux oo lix kamid ah dacwadooda dib loo dhigay kadib markii loowaayay cadeymo.

Guddoomiyaha maxkamada gobalka Banaadir Dr Xaashi Nuur Cilmi ayaa usheegay warbaahinta in lixda ruux ee la xukumay ay ku jiraan labo ruux oo burcad badeed ku eedeysan oo lagu xukumay 13-sano oo xarig ah iyo 13-milyan shilinka Soomaaliga ah.

Dadka kale ayaa lagu xukumay xukuno kala duwan oo ubadan sanado xarig ah iyo ganaax lacageed oo la isugu daray.

Maxkamada gobalka Banaadir ayaa bilahan dambe waxa ay qaadeysay kiisaska dacwooyinka ah ee loo heesto dambiilayaal xiran.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho