Maxay ka baran kartaa Soomaaliya tallaabadaan?

Saddex ka mid ah Ciidanka Difaaca Kenya ayaa abaal-marinno ka helay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo ay ku muteysteen geesinimadooda.

News Keydmedia Online
Maxay ka baran kartaa Soomaaliya tallaabadaan?

NAIROBI, Kenya - Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya ku abaalmariyay ‘billadda geesinnimda’, taasoo ay ku muteysteen doorkii ay ka ciyaareen, iska caabintii duullaankii Al-Shabaab, ku qaadeen Saldhigga Manda, ee Gobolka Lamu 5-tii Janaayo, 2020.

Agaasimaha Hawlgalka AFRICOM, General Gregory Anderson, ayaa abaal-marinnadan guddoonsiiyey, Kornayl Daniel Rotich, Major Martin Muthaura iyo Corporal Peter Shikuri, kuwaas oo looga mahad celiyay jawaab-celintii deg-degga ahayd ee ay ka bixiyeen ka-hortagga iyo fashilinta duullaankii Camp Simba ee Manda.

Duullaanka Al-Shabaab ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Manda Air Strip ee Camp Simba, 5-tii Janaayo 2020, oo ay adeegsadan ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka, wax ay ku dileen hal askari oo Mareykan ah iyo laba qandaraasle, oo kala ahaa; Dustin Harrison iyo Bruce Triplett, halka ay dhaawaceen askari kale iyo qof rayid ah.

Baaritaannadii lagu sameeyay weerarkaas, ayaa lagu muujiyay in dayacaada askarta Mareykanka ay mas'uul ka tahay in Kooxda xiriirka la leh, Al-qaacida ee Al-Shabaab, gudaha u galaan xero ay deggan yihiin ciidamo ka socda dalka ciidan ahaan ugu awoodda badan adduunka.

Warbixin isla xilligaas, loo gudbiyay Pentagon-ka Mareykanka, ayaa iyana ka mar-qaati kacday, in saddex ka mid ah taliyeyaasha KDF ay masuul ka ahaayeen badbaadada xerada, waana saraakiisha todobaadkaan la abaalmariyay.

Tallaabadaan lagu dhiirragaliyay ciidanka, naftooda huray iyo in si aan gambasho lahayn qaladka loo saaray ciidanka dayacay ilaalada xera oo ah kuwa ka socda Washington, ayaa cashir u noqon karta Soomaaliya, oo ay caado ka noqotay in Al-Shabaab, si joogto ah xaauuq uga  geystaan xerooyinka Cidanka XDS iyo kuwa AMISOM.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.