Maxay kawada hadleen Deni iyo Danjire Swan?

Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa socod uu ku maraya Maamul Goboleedyada dalka, isagoo safarkiisii labaad shalay ku tagay Puntland, isagoo kasoo duulay Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Maxay kawada hadleen Deni iyo Danjire Swan?

GAROWE, Soomaaliya - Danjire Swan oo ay la socdeen wakiillo kale ayaa Madaxweynaha Puntlaand Siciid Cabdullahi Deni kala hadlay arimo badan oo hoos imaanaya shaqada Qaramada Midoobay ay hadda ka hayso Puntland, iyo sida QM ay sidan si ka wanaagsan u taageeri karto Puntland sanadka 2021.

Waxay kawada hadleen arimaha la xariira Doorashooyinka lagu muransan yahay ee dalka, James Swan ayaana sheegay in ay Deni isla gorfeeyeen sidii xal loogu heli lahaa khilaafka taagan, waxayna isla soo qaadeen in loo baahan yahay isku tanaasul ka yimaada Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubanaha ka ah.

“Dhinaca siyaasadda, madaxweynaha iyo aniga waxaan isla gorfeynay u diyaar garowga doorashooyinka. Arrintan, waxaan xusay baahida loo qabo in la helo tanaasul mira dhal ah oo ka yimaadda Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubanaha ka ah si heshiis looga gaaro fulinta habraaca doorashada. Tani waa danta qaranka," ayuu yiri Swan.

Danjire Swan wuxuu sheegay in si dagdag ah loogu baahan yahay xal u helidda khilaafka taagan si loogu gudbo fulinta habraacyada iyo qabashada doorashada, wuxuuna tilamaamay in la taagan yaahay waqtigii ay hoggaamin muujin lahaayeen jilaayaasha muhiimka ah ee siyaasadda Soomaaliya.

Wakiilka xogyahaha guud ee QM , wuxuu hoosta ka xariiay in aysan jirin wax marmarsiiyo kale ah oo aan heshiis lagu gaari Karin, wuxuuna ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in jid loo furo xaaladaha cakiran.

"Waa waqtigii ay hoggaamin muujin lahaayeen jilaayaasha muhiimka ah ee Soomaaliya. Waa waqtigii xalka, ma jiraan marmarsiiyo kale oo aan heshiis lagu gaari Karin," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dowladda uu Farmaajo hoggaamiyo ayaase u muuqata mid aan diyaar u ahayn in ay dalka ka qabato doorasho la isla ogol-yahay, waxaana dhor mar dib u dhacay jadwalka doorashada oo ay soo saareen guddi lagu dhoodoobay guriga maamo Qadiijo ee uu daganyahy taliyaha Nabad Sugidda Fahan Yaasiin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.