Maxay ka wada hadleen IGAD iyo Jubbaland?

Kulanka ay yeesheen ayay uga arrinsadeen mashruuc seddex geesood ah oo ku aadan maareynta dhulka islamarkaana laga fulin doono maamul goboleedka Jubbaland, Ismaamulka Mandheera iyo Dowlad deegaanka Soomaalida.

Warar Keydmedia Online
Maxay ka wada hadleen IGAD iyo Jubbaland?

KISMAAYO – Somaaliya - Magaalada Kismaayo waxaa manta kulan ku yeeshay wafdi ka socday urur goboleedka IGAD iyo Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay weheliyaan Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland.

Kulanka ay yeesheen ayay uga arrinsadeen mashruuc seddex geesood ah oo ku aadan maareynta dhulka islamarkaana laga fulin doono maamul goboleedka Jubbaland, Ismaamulka Mandheera iyo Dowlad deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa wafdiga uga mahad celiyay wadashaqyenta ay la leeyihiin Maamulka Jubbaland iyo mashaariicda ay ka fulinayaan degaannada Jubbaland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.