Maxay ka wada hadleen Shiinaha iyo Soomaaliya?

Dowladda Soomaaliya iyo dalka Shiinaha ayaa si weyn uga wada hadlay arimaha la xiriira dhismaha ciidamada Soomaaliya iyo sidii ay uga adkaan lahaayeen Kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Maxay ka wada hadleen Shiinaha iyo Soomaaliya?

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya FEI Yengchao ayaa xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Xilgaarsiinta, Xasan Xuseen Xaaji, waxana kulanka si gaar ah diiradda loogu saaray habkii loo xoojin lahaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa safiirka la wadaagay halka ay marayaan howlaha dib u habeynta ee lagu sameeyey ciidamada qalabka sidda, isagoo xusay in ay xilligan meel wanaagsan marayaan.

FEI Yengchao, ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay dadaallada ay ugu jirto tayeynta ciidanka, waxana uu ku taliyey in la dardar galiyo xoojintooda iyo qalabeyntooda, si ay ula wareegaan ammaanka dalka Soomaaliya oo ay iminka joogaan ciidamo nabad ilaalin oo ka socda dhowr dowladood oo daris ah.

Safiirka Shiinaha ayaa si toos ah ugu wargaliyey Wasiirka Difaaca in dalkiisa uu diyaar u yahay in Soomaaliya uu ka taageero dhismaha ciidanka xag dhaqaale iyo mid tababar intaba,waxana uu tibaaxay in labada dawladood ay leeyihiin hal hadaf, kaas ku qotoma ciribtirka waxa uu ugu yeeray argagixisada.

Labada masuul ee Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sidoo kale kulankooda uga arinsaday xoojinta xiriirka faca weyn ee ka dhaxeeya labada dawladood, iyo sidii loo baritaarri lahaa howlaha mashaariicdda ee Shiinuhu ka wadaan Soomaaliya.

Dawladda Shiinaha oo ka mid ah dalalka ugu ciidamada xoogan adduunka, ayaa sanadihii ugu danbeeyey taageero dhaqaale siinayey Soomaaliya, waxana dalka ay ka wadaan mashaariic kala duwan, kuwaasoo u badan dhanka dhismaha.

Soomaaliya ayaa sanadihii ugu danbeeyey laba jibaartay dhismaha ciidamada, iyadoo ay kordheen dhalinyarada ku biireysa ciidamada xoogga waxana sanadkiiba tiro kumanaan ah ay ka aflaxaan dugsiyada tababarka ee ay Soomaaliya ku leeyihiin dalalka Turkiga iyo Mareykanka

Si kastaba, dadaallada dhanka dhismaha ciidamada ee dowladahaasi wadaan ayaanan noqon kuwa mira dhala, maadaama aysan weli ku filneyn in ay si buuxda ula wareegaan ammaanka dalka,isla markaana ay kaabayaan ama garab ka helayaan Ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika ee AMISOM.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.