Maxay ka wada hadleen Soomaaliya iyo Azerbaijan?

Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa ku heshiiyay inay sare u qaadaan xiriirkooda laba geesoodka ah, kadib kulan dhex maray wasiirka ganacsiga Soomaaliya, Khaliif Cabdi Cumar iyo kan Arrimaha Dibadda Azerbaijan, Jeyhun Bayramov.

Warar Keydmedia Online
Maxay ka wada hadleen Soomaaliya iyo Azerbaijan?

BELGRADE - Wasiirka ganacsiga Soomaaliya, Khaliif Cabdi Cumar iyo wasiirka arrimaha dibedda Azerbaijan Jeyhun Bayramov, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee waddamada, xilli ay kawada qeyb galeyeen, shir heer sare ah oo lagu xusayo sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay Aasaaskii Dhaqdhaqaaqa (NAM) oo ka dhacay Belgrade .

Wafdi xooggan oo uu hoggaaminayo Khaalid, oo ay ku jiraan Wasiirro iyo xildhibaanno ayaa toddobaadkan gaaray Belgrade si ay uga qayb-galaan kulanka NAM oo ay marti-gelisay Dowladda Serbia.

Bayaan ay soo saartay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan ayaa lagu sheegay in labada Wasiir ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sii wadidda wada-hadalka siyaasadeed.

“Wadahadal dheer kadib, mas'uuliyiintu waxay ku nuuxnuuxsadeen baahida loo qabo in kor loo qaado iskaashiga u dhexeeya waddammada isla markaana la wanaajiyo heerka ganacsiga ee laba geesoodka ah”. Ayaa lagu yiri warka.

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay dowladdiisa, in ay gacan-saar la yeelato dowladda xuduudda la leh, badda Caspian-ka iyo buuraha Caucasus, ee ku dhrersan Aasiya iyo Yurub.

Khaliif wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda kalfadhiga gaarka ah ee Golaha Guud ee loogu talagalay la-dagaallanka masiibada COVID-19, kaa oo uu hormuud yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan.

The Non-Aligned Movement, (NAM), waa gole ay ku midaysan yihiin 120 dawladood oo dunida soo koreysa ah, Qaramada Midoobay kadib, waa Golaha ugu badan ee meel isugu keenay intaas oo dowladood.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.