Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka
Dowladda Kenya ayaa ku war galisay Maxakamadda Caddaaladda Adduunka in aysan ka qeyb gali doonin dhageysiga kiiska dacwada badda, sida aan hore u shaacinay.
MUQDISHO, Soomaaliya – Sida aan hore u baahinnay dalka Kenya ayaa diiday inuu xaadiro Maxamadda Cadaaladda adduunaka ICJ, si ay uga qeyb galaan dhageysiga kiska dacwada badda Soomaaliya ee ay iyagu muranka galiyeen.
Dowladda Kenya oo dooneysay in ay xoog iyo xeeladba ku qaadato badda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata in ay ka rajo dhigtay arrintaas, waxaana dhawaan Maxakamddu ka diiday dalab markii afaraad ay ku dooneysay in dib loo dhigo dhageysiga dacwada.
15-ka bishaan Maarso oo ku beegan birri oo Isniin ah ayaa loo madlanyahay Maxakamadda, hayeeshee Keynya ayaa 11-kii bishaan ku war galisay ICJ in aysan u soo xaadiri doonin Maxakamadda, si ay dhageysiga dacwada qeyb kaga noqdaan, qorshahoodua yahay kaliya in 30 daqiiqo hadlaan, si ay u soo bandhigaan sababta kentay in ay dacwada ka qeyb gali waayaan.
Keyna waxa ay ku sheegaty sababta ay ku diiday in ay dhageysiga dacwada badda kaga qeyb gasho dhowr arrimood, kuwaas oo kala ah;
Guddiga Dowladda Soomaaliya u xil saartay kiiska dacwada badda ay muranka galisay Kenya ayaa ku suga Dalka Holland waxayna si buuxda ugu diyaarsan yihiin ka qeyb galka madasha birri.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments