Maxay Ruushka iyo Ireland ka yiraahdeen xaaladda Soomaaliya?

Kulan gaar ah oo Golaha Amaanka ka yeeshay xaaladda Soomaaliya ayaa waddamadii ka hadlay waxaa ka mid ahaa dalalka Ruuska iyo Ireland, waxayna sheegeen in ay lama huraan tahay in doorashooyinka loo qabto si dag dag ah.

Warar Keydmedia Online
Maxay Ruushka iyo Ireland ka yiraahdeen xaaladda Soomaaliya?

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu horreyn Ruushka ayaa wuxuu cambaareeyay dhacdooyinkii 19-kii Febraayo oo Jimcihi la soo dhaafay ku beegneed ka dhacay Muqdisho.

Ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Russia u qaabilsan Qaramada Midoobay Anna Evstigneeva, oo ka hadashay shirkii Golaha Ammaanka ayaa sheegatay in ay muhiim tahay wax kasta oo jira lagu xalliyo miiska wada hadalka.

Sidda laga soo xigtay Evstigneeva, xukuumadda Moscow ayaanan marnaba aqbali karin adeegsiga rabshadaha waxaana ay ugu baaqeysaa dhamaan dhinacyadda in ay ka fogaadaan go’aanadda halka dhinac ku saleysan.

“Waxaan aaminsanahay in geedi-socodka lagu xaliyo miiska wada hadalka”. ayay tiri Anna Evstigneeva.

dhamaan dhinacyada ay quseyso arrinta Soomaaliya ayay ugu baaqday in ay ka shaqeeyaan geeddi-socodka nabadeed si looga fogaado qalalaaso dalka ka dhaca.

Sidoo kale Safiirka Ireland u fadhida Golaha Ammaanka ee QM Amb. Byrne Nason ayaa iyana ka hadashay shaqaaqooyinkii ka dhacay Muqdisho Jimcihii hore.

“Waddooyinka Muqdisho maalmihii la soo dhaafay waxaa laga maqlayay dhawaaqa hub culus, laguma rideyn Al-Shabaab,laakiin waxaa loo ridaayay dano siyaasadeed, waxaan aragnay in Dowladda Federaalka ay ciidamo ku daadgureysay bannaan baxayaasha”ayay tiri Byrne Nason.

Waxa ay shegatay in aan marnaba la aqbali karin qalalaaso ka dhacay Soomaaliya waxayna ku baaqday in la is kuuugu yimaado wada hadal dhab ah.

 “Waxaan ku dhiiri galinayaa hoggaamiyaasha Soomaaliya in wax walba ka hormariyaan danaha dadkooda, isla markaana dib loogu noqdo wada hadal wax ku ool ah” ayay hadalkeeda raacisay Byrne Nason.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.