Maxay tahay fursadda Al-Shabaab sugeyso inay kula wareegto dalka?

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay inaysan suurta-gal ahayn xiligan Al-Shabaab inay qabsato dalka oo dhan.

News Keydmedia Online
Maxay tahay fursadda Al-Shabaab sugeyso inay kula wareegto dalka?

MUQDISHO, Soomaaliya - Wareysi uu Mahad Karataay, ku-xigeenka hogaamiyaha Al-Shabaab siiyay dhawaan Channel 4 TV ayuu kusoo bandhigay hadafka kooxdiisa ee dagaalka Soomaaliya.

Mahad Karataay ayaa sheegay in fursadda kaliya Al-Shabaab ay sugeyso si ay ula wareegto guud ahaan dalka ay tahay inay baxaan Ciidamada ajnabiga ah, ee difaacaya dowladda Federaalka.

Waa arin u muuqata inay Al-Shabaab ka shidaal-qaadanayso Taliban oo 20 sano sugayay inay ka baxaan Afghanistan, oo bishii August 2021 ay la wareegeen, iyadoo taasi rajo gelisay kooxo badan.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre oo la hadlay Channel 4 TV, ayaa sheegay inaysan suurta-gal ahayn xiligan Al-Shabaab inay qabsato dalka oo dhan.

Soomaaliya waxaa jooga Ciidamo badan oo ajnabi ah [ATMIS iyo US], kuwaasoo safiirka sheegay inay difaacayaan dalka, maadaama amnigiisa uu muhiim u yahay gobolka Geeska Africa oo dhan.

Al-Shabaab waxay haysataa dagaalyahanno lagu qiyaasay 7,000 illaa 12,000, kuwaasoo marka loo bar-bar-dhigo ATMIS kaliya ay aad uga yar yihiin, balse xagga dagaalka ku kala duwan.

Biden ayaa bishii hore saxiixay go'aan lagu soo celinayo Ciidan Ameerikaan ah oo gaaraya 500, kuwaasoo Trump ka saarey 2021 kahor inta uusan baneynin Xafiiska Aqalka Cad.

Al-Shabaab tan iyo 2008 ayay wadey dagaal ku-dhufo ka dhaqaaq ah, waxayna lumisay Muqdisho iyo magaalooyin kale oo muhiim ah, iyadoo Kooxda hadda kusoo aruurtay degaanno iyo Gobolka Jubbada Dhexe, oo si buuxda u maamusho.

Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa la filayaa inay dalka ka baxaan 2024, waxaana mas'uuliyadda amniga ku wareejin doonaan askarta dowladda Soomaaliya, oo aan awood badan lahayn.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
News 1 July 2022 19:42

The directorate said that even with the resumption of the Somali market, they are still targeting European countries, which in 2014 banned the crop after it was classified as a drug.