Kornel Maxamed Buule “Isku dhiibi meeyno Maleeshiyada Raas-kambooni”

Kismaayo (KON) - Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Duleedka Magaalada Kismaayo ayaa ka soo hor jeestay in ay ku biiraan Maleeshiyaadka Daacadana u ah Axmed Madoobe ee Raaskambooni.
Warar Keydmedia Online
Kornel Maxamed Buule “Isku dhiibi meeyno Maleeshiyada Raas-kambooni”

Cornel Max’ed Buule oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaalia haatana ku sugan Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Jubbada hoose ayaa sheegay In aysan dhici doonon in ay ku biiraan Maleeshiyo Beeleedka Raas-kambooni ee "dhibta u geestay Shacabkaas dhibaateysan", waa siduu yiri.

Kornelkka ayaa intaa ku daray in ayasan muuqan cid ay ku biiran Maleeshiyaadka Raas-kamboonina ay yihiin kuwo u shaqeeya Ciidamada Kenya.

"Maleeshiyo Beeleed in aan ay nagu soo biiraan suurtagal ma ahan, Ciidan Qaran ayaa loo baahanyahay ee Ciidan Qabiili ah oo dhibaato geestay looma baahna" Ayuu yiri Buule.

Max’ed Buule ayaa sheegay in xitaa hadii ay soo weeraran Maleeshiyaadka Raas-kambooni iyo Ciidamada Kenya ee Xooga ku jooga Kismaayo ay iska difaaci doonan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed ayaa horey u sheegay in Ciidamada jooga Duleedka Magaalada Kismaayo in Boqol boqol ay is ku soo dhiiban si loo qarameeyo.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho