Maxkamad ku taala Koonfurta Galkacyo Galmudug State oo xukuno Riday

Muqdisho(Keydmedia) kooxa dhalinyara ah oo ku adeesnaa falal burcadnimo ah ayaa Maxkamad ku taala Koonfurta magaalada Galkacyo oo ay ka taliyaan Maamulka Galmudug waxa ay ku riday Xukuno kale duwan.
Warar Keydmedia Online
Maxkamad ku taala Koonfurta Galkacyo Galmudug State oo xukuno Riday

Eedeysanayaasha oo tiradooda ay aheyd sagaal ruux ayaa waxaa 2 ka mid ah lagu xukumay 5 bilood oo xarig ah iyo bixinta lacago ganaax ah halka 7 kale lagu xukumay min shan sano oo xarig ah.

Dhalinyarada xukunkan lagu riday ayaa falal ammaanka lagu waxyeeleynayo waxa ay ka geysaneeyaan deegaano ka tirsan gobalka Mudug iyadoona markii danbe ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Amaanka Galmudug.

Inkastoo aanay dhalinyaradan aheyn kuwii ugu horeeyay ee Maxkamadda Ciidamada Galmudug ay xukun ku rido ayaa hadana wararku waxa ay sheegayaan in ay tahay markii ugu horeysay oo 9 ruux mar qura xukun lagu wada rido.

www.keydmedia.net