Maxkamad ku taalla Dalka Maraykanka oo xukuntay Nin Soomaali ah

WASHINGTON (Keydmedia) - Wasaaradda Garsoorka dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in Maxkamad ku taalla dalkaasi ay Jimcihii shalay Denbi ku heshay Maxamed Sa’iili Shibin oo 50-sano jir ah, kaasi oo la sheegay in uu ahaa wadaxaajoode u kala dhexeeyay Burcad-badeeda iyo Afar Qof oo Mareykan ah kuwaas oo markii dambe ay dileyn kooxo Burcad-badeed Soomaali ah.
Warar Keydmedia Online
Maxkamad ku taalla Dalka Maraykanka oo xukuntay Nin Soomaali ah

Shibin,ayaa maxkamadiisa waxa ay bilaabatay horaantii Bishan April , waxana Dacwad oogayaasha Maxkamadda ay ku heleen in uu gacan ka geestay dilka Jean iyo Scott Adam oo reer California ah. iyo Phyllis Macay iyo Bob Riggle oo iyana deegan ku lahaa Gobalka Seattle ee dalka Maraykanka,

Afartan Qof ayaa la toogtay intii ay socdeen waan-waan ku aadan siddii lagu sii deyn lahaa., sidoo kale Shibin, waxa lagu eedeeyay in uu dhinaca Internetka ka baarbaari jiray dadka ay Burcad-badeeda ay qabsadaan Hantida ay lee yihiin.

Ninkan oo laga qabtay Soomaaliya, ayaa lagu eedeeyay in uu Lacag madax furasho ka helay markabka M/V Marida Marguerite oo laga lee yahay dalka Germalka oo ay la socdeyn 22-shaqaale ah, waxaana la heestay toddobo Bilood, laakin Bishii May 2010 ayaa la sii daayay.

Waxa uu helay Shibin Lacag gaaraysa 30,000 ilaa 50,000 oo dollar, waxaana lagu heley 15-dambi, oo ay ku jiraan Dil, Afduub,waxaana uu wajahayaa Xabsi daa’in ama madaxaa ha ku furto.

Keydmedia.net - Xafiiska Washington