Maxkamada Gobolka Banaadir oo Xukun Riday maanta

Muqdisho(KON) - Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa Maanta u fariisatay Qaadista Dacwo loo heystay 15 Eedeeysane oo ku eedeeysnaa Danbiyo kala Duwan oo ay kamid yihiin Dil,Dhac iyo Kufsi.
Warar Keydmedia Online
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Xukun Riday maanta

Maxkamada  Gobolka Banaadir ayaa markii ay dhageeysatay Dacwada loo heysto 15-ka eedeeysane, waxaa ay Qaar kood ku xukuntay Dil Toogasho ah,halka Qaar kale lagu Xukumay Xari.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Xaashi Cali Nuur oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Saddex kamid ah Eedeeysaneyaasha lagu Xukumay Dil Toogasho ah,kadib markii ay hore siyaabo kala duwan ay Dad Shacab ah u dileen,ayagana ay Qirteen.

Saddexda Eedeysane ee Xukunka Dilkaa lagu Riday ayaa kale ah, Xuseen Abuukar,C/casiis Xuseen,Buube Max’ed oo dhamaan lagu Xukumay dil Toogasho ah.

Xaashi cali Nuur Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in Saddex eedeysan ay Maxkamadu ay ku Riday Xukun ah 3-Sano oo Xariga ah,8 kale ay siideeysay.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo Maxkamada Gobolka Banaadir ay Xukuno nuucaan oo kale ah ay rido.

Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho