Maxkamada Milatariga oo askari toogatay

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Maxkamada ciidamada Milatariga dowlada ayaa saakay muqdisho ku fulisay xukun toogasho ah kaasoo lagu qaaday askari dilay askari kale 29-4-2011.
Warar Keydmedia Online
Maxkamada Milatariga oo askari toogatay

Xukunka ayaa ka dhacay fagaaraha iskuul boliisiya ee magaalada Muqdisho waxaana lagu magacaabi jiray askariga xukunka lagu fuliyay Cabdi C/lle Dhuxulow.

Gudoomiyaha maxkamada ciidamada milatarig Xasan Muungaab oo hadal ka jeediyay goobta ayaa xusay in tiirka lala tiigsan doono askari walba oo xukun dil ah ku fuliyo qof shacab ah ama askari kale.

Tan iyo markii dowlada ay ku dhawaaqday dhismaha maxkamada milatariga ayaa dilal kale duwan waxaa lagu fuliyay askar siyaaba kale duwan u toogatay shacab iyo askar kale.

WWW.KEYDMEDIA.NET