Maxkamada Sare oo Fasaxday Xildhibaanadi muranka ka taagnaa - Aqriso Liiska

Muqdisho (KON) - Maxkamada Sare ee Dalka ayaa goor dhaw ogolaatay 16-ki mudane ee ay Gudiga Farsame ka reebeen Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Maxkamada Sare oo Fasaxday Xildhibaanadi muranka ka taagnaa - Aqriso Liiska

Avv. Ceydiid Ilkaxanaf ayaa ku dhawaaqay in xildhibaanadan loo ogolaaday iney kamid noqdaan Baaramaanka Cusub.

Xildhibaanadaan ayaa ka mid ah Maxamed Qanyare Afrax, Sheekh Aadan Madoobe, Aadan Saransoor, Muuse Suudi Yalaxow, C/raxmaan Ibbi iyo Cumar Finish iyo qaar kale.

Maxkamada Waxay ka reebtay sadex hablood oo ay ku jirto xildhibaanad Sareedo kuwaasi oo ay sheegtay in gudiga ay ku celiyeen aqoontooda oo liitado taasi oo uu Ilkaxanaf sheegay in gudiga ay xaq u leeyihiin.

Waxaa lagu wadaa in isla maanta la dhaariyo xubnahaasi loo ogolaaday baarlamaanka cusub in la dhaariyo kadibna ay ka qayb galaan doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ee iminka socota.

Magacyada xubnaha

Beesha Hawiye

1-Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish”

2- Maxamed Qanyare Afrax

3-Bootaan Ciise Caalin

4-Axmed Ducaale Geelle Xaaf

5-Cumar Furdug

6-Xirsi Aadan Rooble

7-Maxamed Faarax Jimcaale

Beesha Digil iyo Mirifle

8-Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe”

9-Maxamed Ibraahin Xaabsade

10-Maxamed Xuseen Afaraale

Beesha Dir

11-Janaraal Axmed Warsame

12-Cabdi Casiis Sheekh Yuusuf

13-Prof C/Raxmaan Xaaji Aadan “Ibbi”

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho