Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukuntay ganacsade caan ah

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed dhan 920,000 kun oo doollar ku xukuntay Ganacsade Xaaji Gaabow.

Warar Keydmedia Online
Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukuntay ganacsade caan ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xabsi iyo ganaax lacageed isugu dartay ganacsi Cabdullaahi Axmed Maxamed ( Xaaji Gaabow) oo ah ganacsade caan ka ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Xeer ilaalinta ayaa Ganacsadahaan ku eedeeysay in uu sameystay shirkad u shaqeysa sidii Bangiyada, taasoo aanu u diinwaan gashaneyn dowladda Soomaaliya.

Ganacsadahaan ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah iyo 920,000 kun oo dooller sida uu ku dhawaaqay Garsooraha Maxkamadda gobolka Banaadir Dr. Cabdiraxmaan Saciid Axmed.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sii deysay Ayuub Sheekh Maxamed Amiin oo ku eedeysnaa inuu lahaa shirkad daabacday warqadda qaan-sheegadka ay isticmaaleen Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka ee dhawaan la xukumay, kadib markii Maxkamaddu sheegtay in lagu waayey wax dambi ah.

Maxkamadda Gobolka ayaa dhawaanahaan xukunno xabsi ganaax lacageed ah isugu dartay masuuliyiin ka tirsan Dowladda iyo shaqsiyaad kale oo lagu helay falal la xiriiro musuq Maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne. 

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.