Maxkamadda Milatariga oo eedeysay Ciidamada Nabad Sugida

Muqdisho(keydmedia) Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Milatariga ee dowladda ayaa sheegay in howlaha ciidamada Nabadsugida ay ka hayaan muqdisho ay tahay mid sharci darra ah.
Warar Keydmedia Online
Maxkamadda Milatariga oo eedeysay Ciidamada Nabad Sugida

Xasan Max’ed Xuseen oo ah gudoomiyaha Maxkamadda Milatariga ayaa sheegay in ciidamada Nabad sugida ee dowladda ay xiraan dad aan danbi laheyn kuwaasoo ay ku sheegeen in xiriir la leeyihiin kooxaha dowladda ka soo horjeeda.

Hadalka ka soo baxay gudoomiyaha maxkamadda Miltariga ayaa imaanaya xili ciidmada Nabad sugidda ee dowladda KMG ay xaafadaha Muqdisho ee dowladda ay ka taliso ay wadeen talaabooyin lagu xirayay dhalinyarada ku sugan xaafadahaasi.

Www.keydmedia.net